Ninkii Warankiisu ku weecday: W/Q: Cumar Seerbiya

0
Sunday May 22, 2016 - 10:40:26 in by salman abdi
  • Visits: 1062
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ninkii Warankiisu ku weecday: W/Q: Cumar Seerbiya

    Haddii ay dhibi dhacayso nooc ay tahayba waxa ugu horeeya ee aad ka fikirtaa waa in aad adigu noqoto ka koobaad ee badbaadaya ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haddii ay dhibi dhacayso nooc ay tahayba waxa ugu horeeya ee aad ka fikirtaa waa in aad adigu noqoto ka koobaad ee badbaadaya ,

dhibtaasi ha ahaato mid aad sababtay adigu amaba meel kale haka timaadee , taasina waa calaamad muujinaysa rabitaanka xoogan ee aadmigu u qabo sii joogtaynta inuu noolaado.

Waxaynu ugu necebahay marka laga hadlaayo qof dhintay ka isagu is dila , oo xataa uma ducayno sida badan inaga oo ku eedaynayna nafta miskiinta ah ee tii alle uga sii horeeyey .Qofku way ku adagtahay inuu geeri isku dhiibo inta itaalkiisa ah waxa uu ku dedaalaa inuu ka bad-baado tab iyo xeeshiiba , balse waxa markasta ka badiya qadarta alle , siyaabaha ugu waaweyn ee geerida sababa way inoo qoran yihiin oo waynu qaybsanahay , inaga oo magacyo ula baxnay midkasta waxaynu ku calaamadsanwaxa itaalkeena ah ee aynu kula tacaalayno.

Waxaan aqaan qof is dilay kollay adiguna waad ila garanaysaa qofkaas macagiisa iyo meesha uu joogabee ,waxa uu isku dilay hubka aad taqaano ka ugu xun ee ugu naxdinta iyo naxariista daran , Waran ayaan anigu garanayaaye kaasi ayaan ugu tusaalaystay, waliba hal mar haddii ay naftu ka baxdo wacnaan lahaydaa , maalmo ayuu nolol adag ku sii noolaa maalinkastana isaga ayaa halkii Waranka uu kaga mudnaa , mid kale oo ka sii af badan iskaga sii taaga , wuu damqanayaa balse daciifnimo xagiisa ah ma awoodo inuu iska daayo amaba uu cid kale ka codsado in warmahan tirada batay laga guro, naftiisana cafis weydiisto .

Waxbaan kaa ilaabaye waramahan markii hore waxa uu u soo urursaday inuu hebel/heblaayo kale oo iyagu adkaysan kari lahaa uu ku tuuro , inta soo gaadhay isagana ay iyagu la dhibanaadaan .balse amarka alle warankii uu tuuraaba meel ka khatarsan halkii uu kala rabay cidda uu ku ganaayo ayuu isaga kaga dhacaa

Qofkaasi wali wuu noolyahay waanu sii noolaanayaa ayaamahan soo socda , balse wax naf leh lama noola , hana ka cabsoonin hadaad aragto ninka warmaha badan haysta , oo warmaha badankoodu isaga ayey ku taagan yihiin inta hadhayna isaga ayaa isku ambo bixinaaya oo waa intii uu kaga guuri lahaa nolosha duunyo .

Ninkaasi waa qofka xaasidka ah ee diidan waxaad haysato adigu .