Dadki Loo Haysatay Qarixi Diyaarada Daalo Oo Dacwadoodi Lagu Qadayo Muqdisho.
Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa ugu horeyn maxkamadda hordhigtay Dacwadda loo heysto eedeysanayaasha oo tiradooda ay gaareyso 14-qof oo mid kamdi ah ay haweeney tahay Islamarkaana lagusoo oogay inay fududeeyeen ama ku lug lahaayeen Qarixii Diyaaradda daalo.
Intii ay dacwadda Maxkamadda furneed ayaa mid mid su’aalo loo weydiiyay eedeysanayaasha iyo qaar kamdi ah qareenada u doodaya inkastoo wali Maxkamddu aysan go’aan rasmi ah ka gaarin kiiska qarixii Diyaaradda daalo.
Intaasi kadib Gudoomiyaha Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ka codsaday xafiiska Xeer ilaalinta Ciidanka qalabka sida inay keenaan cadeymo dheeraad ah oo la xiriira dambiga loo heysto eedeysanayaashan.
Wixii ka dambeeyay Qaraxii ka dhacay Diyaaradda Daalo ayaa aad loo adkeeyay Amaanka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade oo iminka shacabka iyo masuuliyiinta Dowladda si isku mid ah loo baaro arintaasi oo tusaale u ah inuu wax weyn iska badalay Amniga Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.
Dadki Loo Haysatay Qarixi Diyaarada Daalo Oo Dacwadoodi Lagu Qadayo Muqdisho.
Dadkii Loo Haystay Inay Ka Danbeeueen Qaraxii Diyaarada Daalo Oo Dhegaysiga Dawcawadoodu Ka Bilaabantay Magaalada Muqdisho Dhageysigii labaad ee Dacwada eedeysanayaasha loo heysto inay ka dmabeeyeen qarxii ka dhax dhacay Diyaaradda Daalo horaantii b