Qarax Khasaare Geystay oo Maanta ka dhacay Is-goyska Kaso-bobollaare ee Magaalada Muqdisho

0
Monday May 23, 2016 - 15:20:07 in by salman abdi
  • Visits: 582
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Khasaare Geystay oo Maanta ka dhacay Is-goyska Kaso-bobollaare ee Magaalada Muqdisho

    Ugu yaraan Afar ruux oo laba ka mid ah ay ka tirsan yihiin Ciidamada Amaanka Dowladda Somalia, ayaa ku dhaawacmay qarax barqonimadii maanta ka dhacay Isgoyska Kaaso-bololaare ee magaalada Muqdisho. Afhayeenka Gobolka Banaadir, Cabdifataax Cumar Xa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan Afar ruux oo laba ka mid ah ay ka tirsan yihiin Ciidamada Amaanka Dowladda Somalia, ayaa ku dhaawacmay qarax barqonimadii maanta ka dhacay Isgoyska Kaaso-bololaare ee magaalada Muqdisho. Afhayeenka Gobolka Banaadir, Cabdifataax Cumar Xalane oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Qaraxan ay ku dhaawacmeen laba askari iyo laba Qof oo ka mid ahaa Shacabkii halkaas ku gunaa.


"Qaraxan khasaare culus ma geysan, balse waxaa ku dhaawacmay afar qof oo laba ka mid ah ay Askar yihiin, Halka labada kalena ay ahaayeen Shacab,” ayuu Afhayeenka u sheegay Warbaahinta.

Wararka ayaa intaas ku daraya, in Qaraxan uu ahaa mid lagu aasay bar-koontarool oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Amaanka Dowladda Federaalka, Waxaana mas’uuliyadda qaraxaan sheegatay Al-shabaab.

Dhanka Kale, Al-shabaab ayaa sheegtay inay qaraxaas ciidamada Ammaanka ee Dowladda ugu geysteen khasaare xooggan, inkastoo aysan sheegin inta uu khasaarahaas le’eg yahay.

Ugu dambeyn, Ciidamada Ammaanka Dowladda Somalia, ayaa waxaa Baro-koontarool oo dhawr ah ku leh Is-goyska KPP ee Degmada Hodan, iyadoo Qaraxaan uusan ahayn kii ugu horreeyay oo ka dhaca baro ay ciidamada Dowladda Somalia kaga sugan yihiin Muqdisho.