Hargaysa:Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Tacsi U Diray Eheladii Uu Ka Baxay Marxuum Axmed Xasan Cali Gaas

0
Tuesday May 24, 2016 - 08:16:35 in by Super Admin
  • Visits: 662
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Tacsi U Diray Eheladii Uu Ka Baxay Marxuum Axmed Xasan Cali Gaas

    Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka wakiil ah Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga waxa uu tacsi tiiraanyo leh u diraya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka wakiil ah Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada iyo shacabka geerida ku timi Marxuum Axmed Xasan Cali Gaas oo ku geeriyooday magaalada London ee dalka Ingiriiska maanta oo taariikhdu tahay 23/05/2016.



Guddoomiyuhu waxa uu geerida Marxuumka si gaar ah uga tacsiyaydaynayaan La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Saxaafadda Khadar Xasan Cali Gaas oo uu walaalkii ahaa Marxuumku.
Guddoomiyuhu waxa uu Alle uga baryayaa Marxuumka inuu jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada iyo shacabka uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE