Maxkamad Ku Taalla Canada Oo Xayirtay Diyaarad Uu Leeyahay Boqorka Dalka Swaziland.

0
Tuesday May 24, 2016 - 09:14:12 in by Super Admin
  • Visits: 669
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamad Ku Taalla Canada Oo Xayirtay Diyaarad Uu Leeyahay Boqorka Dalka Swaziland.

    Maxkamad ku taalla waddanka Canada ayaa waxa ay xayiraad saartay diyaarad uu leeyahay boqorka waddanka Swaziland ee Koonfurta Afrika, boqor Mswati-ga saddexaad kadib dacwad uu boqorkaasi ka soo gudbiyey nin ganacsade caan ah oo u dhashay waddanka Sin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamad ku taalla waddanka Canada ayaa waxa ay xayiraad saartay diyaarad uu leeyahay boqorka waddanka Swaziland ee Koonfurta Afrika, boqor Mswati-ga saddexaad kadib dacwad uu boqorkaasi ka soo gudbiyey nin ganacsade caan ah oo u dhashay waddanka Singapore kaasi oo dayn u sheegtay in uu ku leeyahay boqorka Swaziland Boqor Muswati, sidaana maxkamad ku taalla Gobolka Ontario ee dalka Canada ay xayiraad ku soo rogtay mid ka mid ah diyaaradaha boqorkaasi oo wakhtigaasi ku sugnayd dalka Canada inkasta oo aanu la socon boqorku.



Sida uu ku warramayo wargeyska Canadian Times oo arrinkan wax ka qoray, ganacsade Shanmuga Rethenam oo u dhashay waddanka Singapore ahna maalqabeen ay shuraako ahaan jireen wakhti hore boqor Muswati ayaa dacwad ka gudbiyey boqorka reer Afrika isaga oo dalka Canada oo uu Boqor Muswati hanti badan ku leeyahay ka codsaday in ay hantida boqorkaasi qayb ka mid ah gaar ahaan diyaaraddaasi u xayiraan isaga oo u sheegtay in uu ku lahaa lacago uu diiday in boqor Muswati iska bixiyo.

Maxkamad hadaba ku taalla gobolka Ontario ee dalka Canada ayaa sidaa ku xayirtay mid ka mid ah diyaaradaha raaxada ee boqor Muswati oo ku sugnayd dalka Canada taasi oo nooceedu yahay MacDonald Douglas dc 9-87 oo ah nooc ka mid ah diyaaradaha yaryar ee lagu raaxaysto ee dalxiiska ku habboon.

Shanmuga Rethenam oo ah maal-qabeen u dhashay waddanka Singapore ayaa sheegay in ay hore u wada shaqaysan jireen boqorka waddanka yar ee Swaziland ee ku yaalla Koonfur Afrika kaasi oo uu sheegay in ay dhex martay macaamil dhaqaale oo gaadhaya 800 oo Malyuun oo dollar balse ay markii dambe kala baxeen sidaa darteed lacago uu ku lahaa oo uu boqorku diiday in uu bixiyo uu diyaaraddaasi ugu dacwooday. Afhayeen u hadlay dawladda yar ee Swaziland ee uu Boqor Muswati ka madaxda yahay oo warbaahintu qaddiyadaasi wax ka waydiisay ayaa diiday in uu faahfaahin ka bixiyo isaga oo sheegay in arrinkaasi maxkamad yaallo oo aan wakhtigan laga hadli Karin, marka loo baahdana ay caddayn doonaan oo ka hadli doonaan sida arrinkaasi yahay.

Boqor Muswati-ga saddexaad ee dalka Swaziland oo da’diisu tahay 48-jir ayaa wakhtigan leh in ka badan 15 xaas isaga oo haysta hanti badan, kana soo jeeda dadka dhaqankoodu cajiibka yahay ee dalkaasi Swaziland.