Saaxiibka Wacani Guusha Ayuu Kuu Hor Seedaa..W/Q: Samsam Ismaaciil Cabdi

0
Tuesday May 24, 2016 - 12:19:32 in by salman abdi
  • Visits: 1029
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saaxiibka Wacani Guusha Ayuu Kuu Hor Seedaa..W/Q: Samsam Ismaaciil Cabdi

    Waxa jira wadooyin badan oo loo maro Guusha, sidoo kale waxa jira wadooyin badan oo loo maro Guuldarada,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa jira wadooyin badan oo loo maro Guusha, sidoo kale waxa jira wadooyin badan oo loo maro Guuldarada,

akhriste waxa aan ahay qof ku dhiiri galinaaya, Uma baahni qof kuniyd jabiya, umana


baahni qof aan samir lahayn, sidoo kale kuma caawin karo hadaanad guuldaro ogolayn, ahow Qof ku Xidhan Illahay oo gudata wajibaadkiisa, Tukada, kana dhawrsoon Xumaan iyo Wixii uu Alle ka reebay, hadaad sidaas tahay waxa aad haysaa Tubta Guusha. Badanaa dadka Guulaysta waxa ay ilaaliyaan ficilada ay samaynayaan marka ay Bulshada ku dhex jiraan ama joogaan goobaha shaqada, hadii aad doonaysid inaad Guulaysato ku dadaal inaad dhoola cadayn badato si aad dadka u fahmi karto adigana laguu fahmi karo, masuuliyad waynaiska saar waxwalba oo aad qabanayso iyo ficilada aad ku dhaqaaqaysid.

Guuldaradaada Guul u Badal: maxad u niyad jabaysaa, sided ku gulaysan kartaa hadanad guuldarada Guul u badalin, markaad Guuldarada u dhoola cadaysid waxa aad si dhib yar ku gaadhi kartaa Guusha, soomaalidu waxa ay tidhaa Guuldarada ayaa Guusha ku barta, istaag oo kor u kac hana fadhiisan waxa aad tahay qof guulaysan kara. Naftaada Ma Rumaysan Tahay: badanaa dadkeena waxa ka dhaadhacsan inaanay waxaas qaban karayn iya koon tijaabin, naftaada ku qanac oo ku tijaabi waxwalba , ma jiro wax aan la qaban Karin,

waxwalba waa aad qaban kartaa, Kalsooni nafta sii oo hore u soco, dib u socod looma baahna. La Xidhiidh Dadka Nolosha Ku Guulaystay: waxay kaa caawinayaan wax badan oo nolosha kamid ah, waxa aad ka helaysaa dariiqooyin faro badan, Tusaale, imika waxa aad aragtay qof kitaabka Quraanka ah wakhti yar ku xafiday sida laba bilood ama bil xitaa, qofkaasi waa mid kamida dadka ku wooda ugu Guusha wanaagsan, adiguna waxa aad rabtay inaad Quraanka Xafidid, hadaba ka ag dhawaw qofkaasi waxa uu ku siin talloyin faro badan oo ku anfaca, Ka Taxadir Dadka Xun iyo Saxiibka Xun: hadii anad ka samayn taxadar faro badan dadka aad saxiib ka dhiganayso iyo kuwa aad ka ag dhawanaysidba waxa aad la kulmi doontaa dad aanad u bogin.

dadka aanay micno badan u samayn Guusha iyo Guuldaradu waa ay kula hadhayan ee iska jira;saxiibka xun ka taxadar wuu ku niyad jabinayaa, dadaalkaaga waxba uma arkaayo, waxa aad qabatid waa uu yaraysanayaa (yasayaa), wuxuu kaa burburinayaa waxwal oo aad rabtay inaad qabatid, ka fikir qofka aad saxiib la

noqonaysid iskuna day inaad ka ag dhawaatid dad kula jecel horumar iyo Horu socod. Maalin walba Qabo Wax kugu dhawaynaaya Guusha: 24 saacadood ayaan maalin walba haysataa, hadii aad maalinta ka faa’iidaysan waydo sided uga faa’iidaysan maalmo badan oo ku soo mari lahaa, imika ka bilow oo qabo wax Guusha kuu hor seedaya, kuguna dhawaynaaya Dariiqa aad Guul If iyo Aakhiroba ah ku gaadhi kartid. Waa inaad khibrad u yeelataa wax wal oo ku so mara iyo sida aad u xalin lahayd, fikir, niyad jab, caajis, dadaal la’aan, madax xanuun, dhamaan waxyaabahan oo dhami way kula kulmayaan, isku day inaad si dhib yar kaga gudubtid oo aanad naftaada ku daalin, dadka guulaystaa waxa si dhib yar ku

badalaan Guuldaradooda iyakoo Gul u badalaaya, hore u soco hana niyad jabin waxa aad ku sugan tahay dariiq aad ku gulaysan karto. Qorshe, waa inaad waxa aad doonaysid inaad qabatid aad Qorshaysataa oo aad yeelata wado aad raacdid, ha noqon qof bilaa qorshe ah, samayso qorshe mustaqbalka dhaw iyo kan fogba ah, Guushu waxa ay taala agtaada lakiin waxa ay u baahan tahay xirfad iyo aqoon si aad u qaadatid guusha garabkaaga taal. Gabogabadii, akhriste ma yihi anigu qof Guulaystay lakiin waxa aan ahay qof raadinayaa guusha hayana dariiqa uu u mari lahaa inuu guulaysto dhamaanteen walaalaha muslimiinta Illahay Guul If iyo Akhiroba ah ayaan uga rajaynayaa, waxwalba dadaal ayaa lagu gaadhi

karaa, wax ku caawinyaa oo maskaxdaada korinaaya aan kuu sheego ee waxa aad samaysaa akhris faro badan, akhriso kutubta Diinta iyo nolosha ka hadlaaya, kuwa cilmiga ka hadlaaya, waxa aad ka helaysaa faa’iidooyin badan waxa koraaya maskaxdaada iyo garashadaada sabankan manta la joogana akhirs ayaa laysku dhaafay. Tilmaan ama Tixraac Waxa aad dhagaysataa Muxadirada Sheekh Mustafe Ee Guusha ka hadlaysa, waxa kale oo aad dhagaysataa Muxaadirada Sheekh Umal ee ka hadlaysa Dhawrsoonanta, waa dad iga cilmi iyo aqoon badan waxay kaa cawin wax badan Alle khayr badan haka siiye amiin.

waxa aan dareemaa maraka aan dhagaysto inaan gaadhay mid ka mida guushii aan u socdey ee aan u soo marey rafaadka walow anan wali gaadhin halkii aan u socdey lakiin waxaan rajeenyaa inan gaadho guul if iyo akhiroba waayo guuli waa ta akhiro ifka waxa aynu ku nahay socdaal ama safar aan la ogeen wakhtiga uu dhamaanayo iyo meesha uu ku dhamaanayo toona qof kasta oo muslina waxa aan la jeceley guul inuu gaadho oo uu nololsha uu ahado mid ay qiimo agtiisa ka leedey oo qiimeeyo wakhtiga uu ilahay sii yey ee qaaliga ah,,

waxa dhamaan ka cod sanyaa asxaabta ugu qaaliga ah ee aan jecley in ay iga raali ahaadan .

wixii khalda ee ay kala kulmaan qoraalkan ama maqaalkan aan macaga ugu dhigay saxiibka wacan guusha ayuu ku horseedaa wixii

talo iyo tusaale ah waxa aad ugu soo hagaa jisaan ciwaan ka hoose ku qoran………

FACE BOOK samsam dagan

W/Q SAMSAM ISMACIIL CABDI

ALLE AYAA MAHADLE