Maxay Somaliland Inooga Baahan Tahay ? W/Q: Mahdi Ismail

0
Tuesday May 24, 2016 - 12:22:37 in by salman abdi
  • Visits: 1018
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Somaliland Inooga Baahan Tahay ? W/Q: Mahdi Ismail

    Badanaa dadka somaliland marka su aashan la waydiiyo markiiba qof walba oo muwaadina

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Badanaa dadka somaliland marka su aashan la waydiiyo markiiba qof walba oo muwaadina

waxa uu kugu jawaabayaa waa inan ictiraaf caalamka aan ka helno si aan aduunka wax ula qaybsano waana hami ay dhamaan umada somaliland wada leeyihiin niyadana ku hayaan inay maruun heli doonaan ictiraafka loo hamuum qabo ciyaal iyo ciroolaba inoogu u marayna inaynu beesha caalamka ka dhaadhicino sida midowga africa (african union ), qaramada midoobay (united nations) iyo waliba wadama ku wada jira IGAD oo aynu ku qancino inaynu aheen dawlad dawlad kale la midowday kadibna balaayo ka raacday! .

hadaba qodobka kowad ee dadkeenu jecel yihiin marka laga gudbo somaliland waxay inooga baahan tahay in shacabkeedusi hagar li’i ah ugu shaqeeyaan oo xukuumadeeduna hagar li’i ugu harag baxdo .

Somaliland dadkeeda waxa lagu qiyaasa saddex milyan iyo badh wanad ogaan karaysa dadka intaa leeg hadii gacmaha is qabsadaan inay dhamaan bulshada caalamka aynu tusaale u noqon karno horumarka aynu ku talaabsano.somaliland maanta uma baahna dad isku mucaarida ama muxaafida balse waxay inooga baahan tahay is jaceyl dadkeeda ah oo dhib iyo dheef wada qaybsadaan qof walbaaana ka horeesiiyo dantiisa ta dalkiisa marwalbana niyada ku haya su’aasha ah "Maxaa dalkayga u faaiido ah ?”

jacaylku wuxu ka beeermaa wax wada qabsi iyo wax wada lahaansho.

waa in inta waxgaradka ahi u noqoto inta kale tiir ay ku tiirsadaan iyo wado ay u maraan ka midho dhalinta Riyadeena dhawaan Rumoobi doonta.




Qalinkii mahedi ismail iyo nassir esse

Gmail:Mahedi.alsomal@gmail.com