Gefkii laga galay wiilkii Gabooye : W/Q:Cumar Seerbiya

0
Tuesday May 24, 2016 - 12:26:12 in by salman abdi
  • Visits: 955
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gefkii laga galay wiilkii Gabooye : W/Q:Cumar Seerbiya

    Saw ma jirto waxbaaha qaar aanayd jeclaysan inaad adigu ahayd qofkii ogaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saw ma jirto waxbaaha qaar aanayd jeclaysan inaad adigu ahayd qofkii ogaa

marar badana saw isma tidhaahdid naftaada ku qanci inayna waxba ka ogayn arrin aan lagaaga xog-ogaal sanayn dareen aan fiicnayd oo ay lahayd darteed , sheekadan ayaa dhacdo midabkaasi leh huwan .

Maalin waxa aniga iyo Axmed Cabdi oo ah saaxiib aan leeyahay oo Hargeysa wada joognay waxaanu is dareen siinay in aanu u u baahanay rayiisle/Timo-jare , waxaanu markiiba soo qaadnay goob horena xiiristeeda aanu u amaanay meheradii gaadhnay ,nala soo dhawee waliba kursi wacan nala fadhiisi ileen macaamiil saaxiibtinimada iyo ganacsiga kala taqaana ayaanu nahaye .

Meheradani waa goob ka duwan sawirka caadiga ah ee Rayiisla-yaashu leeyihiin , shaqaaluhu waa dhalliyaro dhammaan way ilko cad-cadyihiin xaga labiskana waxaabad moodaa arday maalin sabti ah joogta ,guuxa qalabka lagu xiirayo oo aad maqasho mooyaane hadaad xataa magac aan Rayiisle ahayn aad ugu yeedho dambi maad gelin.

Sidaanu aniga iyo saxiibkay u soo tilmaansanay ayey dhallinyaro kalena u soo tilmaansadeen goobtan oo ay waliba naga soo horeeyeen taasina waxay sababtay in aanu sugno ,

Kaftan badan ayaa goobta ka socda dhallinyarada meherada iyo kuwa kale ee loo shaqaynayo waxay ka sheekaysanayaa jacayl , ciyaaro iyo gabdho lala haasaaway , hadda iyo waqti horeba , hadalo faan u badan ayaa sheekada ku

soo noq-noqonaya .

Aniga laftaydu kolba qof ayaan eegayaa oo dhammaan waxaan xiisaynayaa waxa socda ileen waa dhallinyaro ila fac ah arrimaha laga sheekaynayaaye si bay ii taabanayaan .

Markii loo dhameeyey wiil loo jarayaey timahaoo aan sugaayey anna ayaan kacay si aan u fadhisito kursiga , saaxiibkii ugu kaftanka badnaa goobta waxa soo dhacay taleefankiisii waxa hal mar wada hadlay saddex isku jira shaqaalaha iyo dhallinyarada loo shaqaynayey oo waxay yidhaahdeen "hebelaw waa lagu rabaa " waliba ku darsoo waxa wada aamusay dhammaan dadkii hadlayey , inta uu si xarago leh u dhaqaaqay ayuu kor u qaaday taleefankii oo ku soo dhacay hees erayo cod degan iyo muuqaal qurux badan sawiraya waxayna ahayd heesta ay wada qaadaan Maandeeq Iyo Daa’uud Cali Masxaf oo waxay ka bilaabmatay "waxa lay dulkeenaa degmadaad ku nooshoo, naftu waxya dareentaa inagoo dalxiisnoo Daalo aynu joognee” marka ay halkaasi marayso ayuu inta uu kor u qaaday yidhi waad I arkaysaan dee saaxiibayaal waliba inta uu cod sare ku hadlay ayuu yidhi "Hello Xabiibi qalbigaa ku salaamay” .

Markay intaasi ka soo baxday waxaan maqalnay cod kiisa ka dheer oo leh "Waar yaahe ma aniga ayaad ii qarisay inaad Gabooye tahay waan ku soo ogaaday , ma adiga oo Gabooye ah ayaad rabtaa inaad ila hadasho " intaasi ayey waliba cay isir iyo qof ahaaneedba sii raacisay , dhulka ayaan aragnay taleefankii oo yaalla oo ay iyadiina ka sii dhex hadlayso waxaan anigu sii maqlaayey ma ogi bulshadii kalee isaga oo taleefanku gal-ganaayo iyadii na ay ka sii dhex leedahay mar dambe ha isoo wacin .

Horta shaqoba way istaagtay la wada nax ninkii la waraysay balse isaga inta u hareeraha eegay ayuu dibadda u baxay wajigana biyo ayuu marsaday, saaxiibadisii kale ayaa mid ka mid ahi yidhi " wallee waxbaa ku dhacay hebel , maalinkasta waxaasi oo kale ayaa na helee ragu ha wada gubto”

Maalin kale ayaan la kulmay wiilkii waxaanka waraystay mushkiladii maalinkii qaybtiisa hore bilicsanayd na haleeshay ,

waxa uu si dareen leh iiga waramay gabadha weerarka wadnaha ku goysay ee soo hadlaysay , waxaanu ii sheegay in maalinkaas laba maalmood ka hor uu suuqa Hargeysa ka bartay gabadha , iyada oo meel maraysana uu u sheegay inuu damac haasaawe ka galay iyaduna ay soo dhaweysay , waliba ay isla maalinkaas u sheegtay in haasaawihiisa ku qanacday , saacadihii ka dambeeyeyna la isku adeegsaday hadal iyo hawraar waxii la hayey, .

waxa uu hadalkiisa ku soo koobay " tani waxay I baraysaa in haddiiba gabadh uu damac iga galo in aad ka hesho iyo inay kula hadasho waxa iiga horeeya inay ka mid tahay gabdhaha aan la haasaawi karo oo ah gabdhaha Gabooye oo kaliya”

Sidaasi ayaan anna idhi "Gefkii laga galay wiilkii Gabooye” 



W/Q" Cumar Seerbiya