Bannaanbaxyo Lagaga Soo Horjeedo QAADKA oo ka Socda Muqdisho iyo Madaxweynaha Somalia oo Taageeray+SAWIRO
Ololahan oo mudooyinkii ugu danbeeyey ka socday magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Somaliya ayaa looga dan leeyahay in marka hore la yareeyo isticmaalka qaadka isla markaana bulshada si weyn looga wacyi geliyo.
Madaxweynaha somaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ololahan si weyn u taageeray ayaa dhawaan sheegayDadweynaha ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa maanta si weyn uga qayb galay ololahan oo ilaa hada socda, kaas oo lagu soo bandhigayo sida loogu baahan yahay inay bulshadu fahamto dhibaatooyinka qaadka iyo sidii loo yarayn lahaa isticmaalkiisa. in la joojin doono qaadka balse marka hore laysku dayi doono in la yareeyo isticmaalkiisa, taas oo kor u qaaday ololahan lagaga soo horjeedo qaadka.
Ololahan lagaga soo horjeedo qaadka ayaa maanta lagu soo dhaweeyey jaamacada University of Somaliya (UNISO) iyada oo maamulka jaamacadaasi iyo ardayduba ay si wada jir ah ugu baaqeen in la joojiyo guud ahaanba qaadka yimaada dalka somaliya kaas oo ay sheegeen inuu dhibaato badan ku hayo bulshada.
Madaxa ololaha lagaga soo horjeedo qaadka Abuukar Cawaale oo la hadlay ardayda jaamacada UNISO ayaa ugu baaqay xukuumada fadaraalka ah ee somaliya inay joojiso qaadka loo soo dhoofinayo dalka, waxaanu dadka beerta u soo jeediyey inay ka iska daayaan beerashada qaadka una wareegaan khudaarta kale ee waxtarka leh.
Bannaanbaxyo Lagaga Soo Horjeedo QAADKA oo ka Socda Muqdisho iyo Madaxweynaha Somalia oo Taageeray+SAWIRO
Magaalada Muqdisho ee xarunta dalka somaliya ayaa waxa ka socda olole lagaga soo hor jeedo qaadka.