Manchester United Iyo Jose Mourinho Oo Heshiis Wada Gaaray, Goormaase Lagu Dhawaaqi Doonaa Heshiiskiisa ?
Manchester United iyo Jose Mourinho ayaa gaaray heshiis £30 milyan oo pound ah uu macalinka ree Portugal ku badalayo ninkii la ceyriyay ee Louis Van Gaal, sida ay ogaatay jariirada the Daily Mirror.
Labada dhinac ayaana heshiiska ku dhawaaqi Karin manta oo arbaco ah maadaama aan wali heshiis laga gaarin xuquuqda sawirada ninkaan laakin wuxuu si aan caadi aheyn ula dhacsan una doonayaa inu qabto shaqada United taasoo sabab ka dhigeysa in wax waliba ay sahal ay noqdaan.
Mourinho ayaa u sheegay Ed Woodward inuu la soo saxiixdo daafac dhexe oo cusub, garab midig, khad dhexe iyo weeraryahan cusub iyadoo Zlatan Ibrahimovic loo maleynayo inuu noqonayo weeraryahanka imaanaya kooxda.
Dhanka kale macalinkaan ayaa wada hadalo la yeelan doona ciyaartooyda Man United uu ugu horeeyo Juan Mata kaasoo uu hore ugu soo ceyriyay kooxda Chelsea.