Lionel Messi Oo Si Calool Xumo Ah Kaga Hadlay Sida Uu Kaga Soo Tagay Wadankiisii Isagoo 13 Sano Jir Ah Sheegayna.........

0
Wednesday May 25, 2016 - 07:57:54 in by Burco Office
  • Visits: 1089
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lionel Messi Oo Si Calool Xumo Ah Kaga Hadlay Sida Uu Kaga Soo Tagay Wadankiisii Isagoo 13 Sano Jir Ah Sheegayna.........

    Lionel Messi ayaa qirtay inuu jecel yahay inuu maalin uu ku laaban dalka Argentina uuna soo afjari doono waayihiisa ciyaareed ee kooxda Barcelona

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Lionel Messi ayaa qirtay inuu jecel yahay inuu maalin uu ku laaban dalka Argentina uuna soo afjari doono waayihiisa ciyaareed ee kooxda Barcelona

iyadoo uu 28 jirkaan uu ku riyoonayo inuu soo arko nolosha dhabta ah ee wadankiisa oo ay ugu danbeysya xiligii uu ahaa 13 sano jir kana tirsanaa kooxda Newell’s Old Boys oo ka dhisan magaaladii uu ku dhashay ee Rosario.

Wareysi uu siiyaySports Illustrated, Messi ayaa ku sheegay inuu jeclaan lahaa inuu si dhab ah u soo arko nolosha wadankiisa maadaama uu ku mudo badan ugu noolaa Catalonia.

"Maalin uun waxaan jeclahay inaan ku laabto Argentina waayoo waxan wadankeyga ka soo tagay anigoo aad u yar, kuma aanan soo raaxeysan Rosario, magaaladeydii, dadkeygii, aad Ayaan ugu xiisay”.

Iyadoo ay haatan 16 sano ku dhawadahay tan iyo markii uu yimid magaalada Barcelona, Messi aya sidoo kale ka sheekeeyay dhibta ay leedahay in da’yar uu kazoo tago wadankiisa kuna noolaada wadan shisheeye wuxuuna yiri "waxay aheyd waqti aad u adag, laakin dhan kale marka la eego waxay aheyd mid wanaagsan waayoo inaan halkaan imaado oo aan u ciyaaro Barcelona waxay aheyd wax aan caadi aheyn”.

Messi

"Wax aad u adag ayeey aheyd inaan wadankeyga kazoo tago anoo caruur ah laakin wax waliba markaas waxaan uga soo tagay gadaal. Waxaan kasoo tagay saaxiibadey, waxaan kasoo tagay qoyskeyga, waxaan kasoo tagay caruurnimadeydii, waxaan imid wadan cusub oo aan wax waliba markaas bilaabayay, waxay aheyd wax aad u adag”.