War Deg Deg Ah:Wariye Ka Hawl Gala Magalada Berbera Oo Xabsiga Loo Taxaabay Iyo Qaar Kale Oo Baadigoob Lagu Jiro.

0
Wednesday May 25, 2016 - 16:13:50 in by salman abdi
  • Visits: 664
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:Wariye Ka Hawl Gala Magalada Berbera Oo Xabsiga Loo Taxaabay Iyo Qaar Kale Oo Baadigoob Lagu Jiro.

    Ciidamada Booliska ee Magaalada Berbera ayaa xabsiga u taxaabay Wariye Cabdiraxmaan Maxamed Cige oo ka mid ah wariyayaasha ka hawl-gala gobolka saaxil gaar ahaana magaalada berbera, halka ay sidoo kalena ciidamadu ku dabo-jiraan wariye Axmed Siciid M

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Booliska ee Magaalada Berbera ayaa xabsiga u taxaabay Wariye Cabdiraxmaan Maxamed Cige oo ka mid ah wariyayaasha ka hawl-gala gobolka saaxil gaar ahaana magaalada berbera, halka ay sidoo kalena ciidamadu ku dabo-jiraan wariye Axmed Siciid Maxamed oo isna ka hawl-gala gobolkaasi.


Xadhigan wariyayaashan ayaa la sheegay in uu salka ku hayo dacwad uu ka soo gudbiyey maayirka Magaalada Berbera Cabdishukuur Maxamuud Cidin sida ay sheegeen warar aanu ka helnay ciidamada booliska ee magaalada berbera.

Maalintii shalay ayaa masuuliyiinta gobolka saaxil iyo duqa magaalada berbera oo ay weheliyaan taliyayaasha booliska iyo CID-da waxa ay kulan la yeesheen qaybaha warbaahinta ka hawl-gasha magaalada berbera kulankaasi oo ay masuuliyiintaasi kala hadleen saxaafada arimo khuseeya ilaalinta nabbad-galyada.

 

Maayirka magaalada berbera ayaa kulankaasi hadalo hanjabaad ah ku goodiyey saxaafada ,Waxaana Xusid Mudan in Maayirku arimaha u ka hadlay ay ka mid ahayd Xildhibaan ka tirsan Golaha Degaanka berbera oo lagu magacaabo Saleebaan cali Khayre oo Shalay ka hadlay waftiga Shirkada Dubai Port ee S Booqashada Ku yimid Dekada Berbera,Isagoo xildhibaanku Sheegay Inuu ka mid yahay

Golaha deegaanka degmada Berbera isla markaana aanu taageeri doonin heshiiska ilaa ay arkaan qodobada uu heshiiskaasi ka kooban yahay, Laakiin u soo dhawaynayo Booqashadooda,Xadhigan wariyayaasha ayaana Sida cad daba socda Hadalka xildhibaankan oo ay baahiyeen