Guddoomiye Cirro Iyo Wefti Uu Hoggaaminaayo Oo Si Ballaadhan Looggu Soo Dhaweeyey Hargeysa Kana Hadlay Safar Qaran Oo Ay Ugu Maqnaayeen Dibadda+SAWIRO.

0
Wednesday May 25, 2016 - 17:41:44 in by salman abdi
  • Visits: 670
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Cirro Iyo Wefti Uu Hoggaaminaayo Oo Si Ballaadhan Looggu Soo Dhaweeyey Hargeysa Kana Hadlay Safar Qaran Oo Ay Ugu Maqnaayeen Dibadda+SAWIRO.

    Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminaayey guddoomiyaha aqalka golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo muddooyinkii dambe socdaalo qaran ugu maqnaa dalalka Mareykanka iyo Kan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminaayey guddoomiyaha aqalka golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo muddooyinkii dambe socdaalo qaran ugu maqnaa dalalka Mareykanka iyo Kanada, ayaa maanta si ballaadhan looggu soo dhaweeyey magaalada Hargeysa.


1 2 3 4 5 6 7 8 9 11 12

Waxaana weftigan uu hoggaaminaayo guddoomiye Cirro ee dalka dib ugu soo laabtay si weyn uga qeyb-qaatay soo dhaweyntooda guddoomiye ku xigeenka xisbiga WADDANI Md.Axmed Muumin Seed, hoggaanada, guddida fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka, taageerayaasha xisbiga WADDANI iyo sida oo kale shacbi weyne aad u tira badan, lu laayey caleemo qoyan, calanka astaanta u ah qaranka Somaliland iyo calanka liimiga ah ee xisbiga WADDANI, sida oo kalena ku dhawaaqayey erayo ay ku muujinaayeen sida ay u la dhacsan yihiin guulahii diblomaasiyaddeed ee guddoomiye Cirro iyo weftigiisu ay ka soo hooyeen dalalka Mareykanka iyo Kanada iyo weliba sida oo kale sida suuban ee ay dib ugu soo unkeen una nooleeyeen siyaasaddii arrimaha dibadda iyo xidhiidho wax ku ool ah oo dhex mara Somaliland iyo sida oo kale dalalka Mareykanka iyo Kanada.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo weftigiisa oo ugu horreyn laga soo galbiyey gudaha Madaarka Hargeysa, ayaa warbaahinta kula hadlay barxadda hore ee afaafka Madaarka Hargeysa, waxaana uu guddoomiye Cirro si weyn uu uga mahad-celiyey siddii diiranayd ee ay soo dhaweeyeen shacabka Somaliland iyo weliba guud ahaan taageeryaasha iyo mas’uuliyiinta xisbiga WADDANI, waxaana uu tilmaamay in safarkii ay dalka dibaddiisa ugu maqnaayeen uu ahaa mid qaran isla mar ahaantaana ay soo qabteen hawlo khuseeya qaranka Somaliland.

"Dhammaan shacbiga reer Somaliland ee maanta halkan(Madaarka Hargeysa), nagu soo dhaweeyey ee isagu jira mas’uuliyiinta iyo taageerayaasha xisbiga WADDANI  aad ayey u mahadsan yihiin, waxaana aan uga mahadnaqeynaa soo dhaweynta diiran ee ay na soo dhaweeyeen, waxaana aan lee nahay mar kale aad ayaad u mahadsan tihiin. Illaahay ayaana aanu ugu mahadnaqeynaa in aanu dalka si nabad-galyo ah ugu soo noqonay.”.Ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan Cirro

Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyey u jeedka socdaalkoodii dibadda iyo waxyaabahii u soo qabsoomay muddadii ay socdaalka qaran ku maraayeen dalalka Mareykanka iyo Kanada.

"Waxa aanu ku maqneyn safar illaa muddo bil ah qaatay, oo runtii ahaa safar shaqo qarana, waxaanu tagnay dalalka Mareykanka iyo Kanada, waxaana aanu dawladda Mareykanka kala kulanay wasaaraddeeda arrimaha dibadda, Kongeraska iyo Senatka labadaba, waxa kale oo aanu la kulanay mas’uuliyiin iyo diblomaasiyiin ba, ana oo kulano la qaadanay mas’uuliyiinta goballada(State’s) aanu maraynay, haday yihiin Kongaras iyo haddii ay Senatkooda yihiin ba. Sida oo kale isna dalka Keneda waxa aanu la kulanay Mas’uuliyiinta iyo Senatka. Intaa waxa noo weheliyey in aanu iyagana la kulmay guud ahaan jaaliyadaha reer Somaliland dhammaantood magaalooyinkii aanu tagnay, waxa kale oo aanu la kulmaynay madaxda Xisbiga iyo Laamahooda, ana oo shacabka reer Somaliland-na xuskii sannad guurada 25aad ee 18ka May, aanu kala qeyb-galnay shacabka reer Kanada ee ku dhaqan magaalada Toranto, waxaana aanu shacabka Somaliland ku hambalyeynaynaa maalinta qaranka, ciid wanaagsan ayaanu lee nahay.”Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi