13 Qof Oo Ku Eedaysan Qaraxii Magaalada Kampala Oo Lagu Wado In Go,aan Ay Ka Gaadho Dawlada Ugaanda.

0
Thursday May 26, 2016 - 08:59:36 in by salman abdi
  • Visits: 706
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    13 Qof Oo Ku Eedaysan Qaraxii Magaalada Kampala Oo Lagu Wado In Go,aan Ay Ka Gaadho Dawlada Ugaanda.

    -Maxkamad ku taala dalka Uganda, ayaa waxaa maanta lagu wadaa in go'aan ka gaarto 13 qof, oo loo haysto weerarkii bishii July ee sanadkii 2010-ka ka dhacay Magaalada Kampala.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

-Maxkamad ku taala dalka Uganda, ayaa waxaa maanta lagu wadaa in go'aan ka gaarto 13 qof, oo loo haysto weerarkii bishii July ee sanadkii 2010-ka ka dhacay Magaalada Kampala.



Weerarkan, ayaa lagu qaaday maqaaxi ku taala Magaalada Kampala, xilli ay dadku ka daawanayeen ciyaartii ugu dambeysay koobkii adduunka, oo ay isugu soo baxeen Spain iyo Holland, waxaana ku dhimatay 76 qof, halka tiro kalana ay ku dhaawacantay.

Weerarka waxaa sheegtay Ururka Al Shabaab, oo ku sheegay mid jawaab u ah Ciidanka Uganda ka joogga Somaliya, isla-markaana ay sii wadi doonaan weerarada ceynkani oo kala ah.

Dadka eedeymahan loo haysto oo dhammaan rag ah, ayaa waxay u kala dhasheen dalalka Uganda iyo Kenya, waxaana lala xiriirinaya in ay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab.

Uganda, ayaa waxaa la soo sheegaya in ay diiday qareeno difaaca dadkaasi, iyadoo si dhow ula xiriirinaysa mintidiinta Ururka Al Shabaab.

Shacabka reer Uganda, ayaa si wayn ugu argagaxay weerarkaasi oo noqonayo noociisii ugu darnaa, ee Shabaabku ka gaystaan Caasimadda Kampala.

Madaxa Dacwada Ururka Al Shabaab, Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf (Fu’aad Shongole), ayaa xilligaa sheegay dagaalka in ay u wareejiyeen dalkaasi Uganda.