Sadex Wax Yaabood Oo Laga Bartay Soo Dhawayntii Gudoomiye Ciro Ee Saxaafadu ka Dareertay BY Weriye Xogdoon

0
Thursday May 26, 2016 - 19:10:40 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1029
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sadex Wax Yaabood Oo Laga Bartay Soo Dhawayntii Gudoomiye Ciro Ee Saxaafadu ka Dareertay BY Weriye Xogdoon

    Gudoomiyaha xisbiga socod baradka ah ee wadani ayaa shalay si nidaam xuma ah loogau soo dhaweeyay magaalada hargaysa soo dhawayntaas oo warbaahinta qaarkood ay sheegeen inay tahay abdid ti ugu xumayd ee lagau soo dhaweeyo gudoomiye xisbi qaran

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha xisbiga socod baradka ah ee wadani ayaa shalay si nidaam xuma ah loogau soo dhaweeyay magaalada hargaysa soo dhawayntaas oo warbaahinta qaarkood ay sheegeen inay tahay abdid ti ugu xumayd ee lagau soo dhaweeyo gudoomiye xisbi qaran


 

Hadaba soo dhawayntaa gudoomiye ciro ayaa waxaa ka dhashay qalalaaso ay sabab u ahaayeen masuuliyiinta sare ee xisbiga wadani kuwaas oo warbaahinta iyo sawir qaadayaashii meeshaas ku sugnaa ka hor joogsaday inay si qurux badan wax u duubtaan ama sawiro u qaataan iyaga oo mid waliba jeclaysanayay in isaga la sawiro ama isaga la duubo si hadhaw tvyada looga daawado

 

 

Hadaba arintaas foosha xun ee ay ku keceen masuuliyiinta sare xisbiga wadani ayaa waxa aya sababtay in dhamaanba warbaahintii meeshaas joogtay hal mar ka wada dareereen isla markaaana ay go aan ku gaadheen in aanay waxba ka duubayn meel nidaamkeedu sidan yahay

 

Arintaas oo qabsatay social media ha ay bulshadu kuwada xidhiidho taas oo dad badan ama kaag iyo yaab ku noqotay isla markaana dadweyne tira badani kazoo dhiibteen fikirkooda.

 

 

sidoo kale waxa iyaduna ahayd arin lala yaabo   kadib markii gawaadhidii lagu soo dhawaynaayay ciro ay si sharci daro ah kumarayeen labada haad ee laamiga taas oo sababtay isku dhacyo laba gaadhi  waana marqaati madoon markii gawaadhida soo dhawayntu ay soo gaadheen laamiga biriish liic liic afkiisa koonfureed ee xiga xaga garoonta tarydhiska

 

in ay gawaadhidu ukala qaybsanatay laba  kuwaas oo qaarna ay kazoo wareegayeen wadadii saxda ahayd halka qaar kalene ay marayeen wadada tooska ah ee loogu tala galay gawaadhida ka imanaysa xaga waqooyi dhanka imperial xigta

 

hadaba akhriste waxaan halkan kusoo gudbinayaa sadex qodob oo laga bartay soo dhawayntii nidaamka xumayd ee gudoomiye ciro.

 

 

·       In saxaafadu miadaysantahay: waxaa cadaatay oo marag madoon aha in saxaafadu maanta tahay qoyska qudha ee ka madax banaan qabiil iyo qabyaalad ayna tahay ehel mid ah oo maw qif iyo go aan qudhana wada leh

 

Masuuliyiinta xisbiga wadani oo midkastaaba jecel yahay in tv laga daawado ma jaraaid lagu qoro:

 

Waxaaa hore uga dhacday hotel maroodi jeex in lab aka mida masuuliyiinta xisbiga wadani ay                  

hore isuguqabsadeen makarafoonka isaga oo mid waliba ku doodayay inuu hadlayo ugu danbayna mid   la baryay si kan kale uu ugu daayo

 


·       Nidaam xumada xisbiga wadani oo wali halkeedii kasii socota:

Ka kaaalay falkii foosha xumaa ee sababay in saxaafadu ka dareerto. Markii lasoo wareegay ee laysugu soo biyo shubtay xarunta dhexe ee xisbiga ayaa hadana waxaa dhacay in albaabkii hore ee laga galaayay xisbiga uu xidhmay taas oo loo xanibnaa muda 10 daqiiqo ah isla markaana ayna go aamo khaldan ka qaadanayeen qaar ayaa isku dayay inay jabiyaan albaabka halka qaar kalena ay dal banayeen in loo dahaco meesha taas ayaana muujinaysa ina aanay isku xidhnayn xubnaha uu ka koobanyahay xisbiga wadani

 

 

 

 

 

By wariye xogdoon