Hargaysa:Ciidanka Booliiska Oo Hal Qof U Xidhay Waraaqo Jihaadka Dhiiri-gelinaya Oo Hargeysa Lagu Qaybiyey.

0
Friday May 27, 2016 - 13:40:59 in by salman abdi
  • Visits: 788
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:Ciidanka Booliiska Oo Hal Qof U Xidhay Waraaqo Jihaadka Dhiiri-gelinaya Oo Hargeysa Lagu Qaybiyey.

    Ciidammada Booliiska Somaliland, ayaa Hal Qof u qabtay Waraaqo la sheegay in Kooxo laga shakisan yahay Habeennadii u dambeeyay ku qaybinayeen Xaafadaha Magaalada Hargeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidammada Booliiska Somaliland, ayaa Hal Qof u qabtay Waraaqo la sheegay in Kooxo laga shakisan yahay Habeennadii u dambeeyay ku qaybinayeen Xaafadaha Magaalada Hargeysa.


Booliiska oo waday Hawl-gallo ay ku baadi-goobayaan Cidda qaybinaysa Waraaqo lagu dhiiri-gelinayo Jihaadka, Gaalo Naceybka iyo Arrimo kale oo ammaanka Dalka khalkhal gelin kara, ayaa Shalay qabtay Hal Qof oo la sheegay in Booliisku kula kulmeen isagoo qaybinaya Waraaqahaasi oo loo soo dhiibay.

Warka Barkulannews.com heshay, ayaa Qofka Booliisku u xidheen Waraaqaha dhallinyarada Hargeysa loo qaybiyey Magaciisa ku sheegay Maxamed-baladi.

Ninkan oo laga qabtay Agagaarka Saldhigga dhexe ee Hargeysa, ayaa Maalintii Labaad xidhan, inkasta oo aan laga war-heynin halka uu ku xidhan yahay.

Maalmihii u dambeeyay, ayaa Warbaahinta Somaliland soo bandhigtay Waraaqo dhiiri-gelinaya Jihaadka iyo Gaalo naceybka oo Cid aan la garanayn ku qaybiyeen Xaafadaha Hargeysa, inkasta oo aan ilaa hadda Ciidammada Ammaanka iyo Xukuumadda midna ka hadal.

Source:Barkulannews