Cudurka Daacuun Caloleedka Oo Ka Dilaacay Magalada Mandheera Ee Da;la Kenya.

0
Friday May 27, 2016 - 14:18:10 in by salman abdi
  • Visits: 669
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cudurka Daacuun Caloleedka Oo Ka Dilaacay Magalada Mandheera Ee Da;la Kenya.

    Dad Tobanaan Ah Ayaa Haatan Lagu Dabiibayaa Isbitaalka Weyn Ee Mandheera Kuwaasoo Uu Soo Ritay Cudurka Daacuun Caloolaha. Toban Qof Ayaa La Xaqiijiyay Inay Cudurkaa U Geeriyoodeen Magaalada Mandheera Ee Dhacda Xadka Kenya Uu La Wadaago Dalka Sooma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dad Tobanaan Ah Ayaa Haatan Lagu Dabiibayaa Isbitaalka Weyn Ee Mandheera Kuwaasoo Uu Soo Ritay Cudurka Daacuun Caloolaha. Toban Qof Ayaa La Xaqiijiyay Inay Cudurkaa U Geeriyoodeen Magaalada Mandheera Ee Dhacda Xadka Kenya Uu La Wadaago Dalka Soomaaliya Shalay Oo Ugu Dambeysay Halka Boqolaal Kale Oo Qof Ay La Il Daran Yihiin Xanuunkaas.


Urur Aanan Dawli Ahayn Ayaa Degmada Mandheera Ka Hirgaliyay Goob Karaantiil Si Cudurkaa Faafitaankiisa Loo Dhimo.

Guddoomiyaha Fulinta Caafimaadka Degmada Mandheera Mr. Axmad Sheekh Ayaa Warfidiyeenka U Sheegay In La'aanta Biyo Nadiif Ah Oo La Cabbo Ay Sii Kordhisay Faafitaanka Cudurkaas Daacuun Caloolaha.

Wuxuu Intaas Ku Daray In Loo Yeeray Hayada Dhaqaatiirta Aan Xadduuda Lahayn Ee MSF Loo Yaqaano Marka Magaceeda Lasoo Gaabsho Si Ay Uga Qeyb Qaadato Yareynta Fiditaanka Cudurkaasi Uu Kusii Fidaayo Degmada Mandheera.


"Waxaanu Haatan Karaantiil Ku Heynaa 63 Qof Oo Bukaan Ah'. Intaa Ayuu Raaciyay Mr. Axmad Sheekh.
"Cudurka Waxaa Afar Asbuuc Ka Hor Lagu Arkay Markii Ugu Horeysay Qof Nairobi Kayimid Haatana Xaafad Walba Oo Ka Tirsan Bariga Mandheera Waa Uu Saameeyay,” Mr. Axmad SheekhAyaa Sidaa Yiri.

Wuxuu Kaloo Sheegay In Qaraabada Bukaanadu Ay Keenaan Xarumaha Caafimaadka Bukaanadaa Markii Uu Aad Cudurku Usoo Rito Ee Horayba Aysan Ugula Cararin Xarumaha Caafimaadka.

Si Kastaba Ha Ahaatee, Mr. Axmad Sheekh Wuxuu Sheegay In Shaqaalaha Caafimaadka Ee Degmadaasi Mandheera Ay Haatan Bilaabayaan Olole Cudurka Dadka Looga Daweynaayo Cudurkaasna Looga Hor Tagaayo Oo Min Guri Ilaa Guri Ah.

Xadka Marka Laga Gudbo Dhanka Soomaaliya Magaalada Balad Xaawo Oo Aad Moodo In Isla Hal Magaalo Ay Yihiin Ayada Iyo Mandheera,In Ka Badan Labaatan Qof Ayaa Haatan Lagu Daaweynayaa Xarumo Caafimaad Oo Kuyaala Magaaladaa Dhacda Xadka Kenya Iyo Soomaaliya Kadib Markii Uu Soo Ritay Cudurka Shuban Biyoodka.


Badi Dadkaasi Waxay Yihiin Carruur Ka Yar Da'da Shan Sano Jirka.Dhaqaatiirta Ayaa La Xiriirshay Faafitaanka Shuban Biyoodka Magaaladaa Kajira Faya Dhowr Xumo Ama Nadaafad Darro Ayadoo Biyaha Roobku Ay Ceegaagsamaan Meelo Badan Oo Magaaladaa Dhexdeeda Ah.

Tan Iyo Markii Uu Shubanku Bilowday Oo Ahayd Horraantii Bishaan Mey Ayaa Waxaa Lagu Daweeyay Isbitaalada Balad Xaawo Dad Tiradoodu Kor U Dhaaftay 200 Oo Qof Oo Shuban Biyoodku Asiibay.

Bukaanadaa Boqol In Ka Badan Ayaa Ahaa Carruur Da'da 5 Sano Jirka Ka Yar. Magaaladaa Ayaa Waxaa Sidoo Kale Ka Jira Cudurka Kaduudiyaha Loo Yaqaano Kaasoo Dad Badan Soo Ritay Dad Badana Ay Halkaa Ugu Geeriyoodeen.

Cudurka Kaduudiyaha Ayaa Aan Loo Cunin Antibaayootik Sida Barta Wararka Ee Internetka Ee Hiiraan Online Ay Kasoo Xigatay Dhaqaatiir Caafimaad MaadaamaCudurkaasi Uu Ka Dhasho Fayraska Loo Yaqaano Shikumukenga Oo Aysan Bakteeriya Keenin.