Daawo Sawiro: Sida uu u dhacay Xukunka ragii ka danbeeyay qaraxyo ay ku dhinteen 76 qof

0
Saturday May 28, 2016 - 07:22:53 in by salman abdi
  • Visits: 655
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawiro: Sida uu u dhacay Xukunka ragii ka danbeeyay qaraxyo ay ku dhinteen 76 qof

    Maxkamad Uganda, ayaa xabsi daa'in ku xukuntay shan ruux oo lagu heley inay ka dambeeyeen weerarkii argagixisnimo ee July 2010 ka dhacay magaalada Kamabala ee dalka Uganda, halkas oo ay ku dhinteen 76 ruux kaa oo lala beegsaday goob laga daawana

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamad Uganda, ayaa xabsi daa'in ku xukuntay shan ruux oo lagu heley inay ka dambeeyeen weerarkii argagixisnimo ee July 2010 ka dhacay magaalada Kamabala ee dalka Uganda, halkas oo ay ku dhinteen 76 ruux kaa oo lala beegsaday goob laga daawanayay ciyaartii finalka koobka adduunka. Maxkamadda Ugandha waxay Labo nin oo kale ku xukuntay min kontan sano oo xarig ah.
Qaraxyadaasi oo ismiidaamin ahaa ayaa waxaa lala eegtay taageerayaasha ciyaarta kubadda cagta oo daawanayay ciyaartii kama dambeysta ahayd ee tartankii koobka kubadda cagta adduunka ee sanadkii 2010.

Qaaddiga maxkamadda oo layiraahdo Alfonse Owiny-Dollo, ayaa xukunka ku ridey dadkaasi Jimcaha maanta, maalin uun ka dib markii ay maxkamaddu dambiga ku hshey.

Kooxda alshabaab, ayaa weerarkaasi lix sana kahor ka dhacay Uganda sheegatay inay iyadu masuul ka aheyd, markaa soo lagu qaaday goobo dadku ay ku daawanayeen cayaarihii kama dambeysta ee koobkii adduunka.

Alshabaab ayaa weerarkaasi ku macneysay inay aheyd digniin ay u jeedineysay Uganda si ay ciidamadeeda qaybta ka ah AMISOM Soomaaliya ugala baxdo.