Qaramada Midoobay oo si cad u beenisay warar ay Dowlada Kenya ka faafisay Qaxootiga Dhadhaab

0
Saturday May 28, 2016 - 07:24:15 in by salman abdi
  • Visits: 669
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaramada Midoobay oo si cad u beenisay warar ay Dowlada Kenya ka faafisay Qaxootiga Dhadhaab

    Hay'adda Qaramada Midoobay ayaa cadeysay in Dowlada Kenya ay qaab qaldan u wajaheyso go'aanka ay u tiigsaneyso Soomaalida farahabadan ee ku nool xeryaha Dhadhaab. Qaramada Midoobay waxa ay sheegtay in baaritaano ay sameysay ay ku ogaatay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adda Qaramada Midoobay ayaa cadeysay in Dowlada Kenya ay qaab qaldan u wajaheyso go'aanka ay u tiigsaneyso Soomaalida farahabadan ee ku nool xeryaha Dhadhaab. Qaramada Midoobay waxa ay sheegtay in baaritaano ay sameysay ay ku ogaatay in Xeryaha qaxootiga gaar ahaan Dhadhaab aysan wax xiriir ah la laheyn Alshabaab.

Qaramada Midoobay waxa ay sidoo kale sheegtay in baaritaankeeda ay sidoo kale ku ogaatay in Xerada Dhadhaab aysan gabaat u aheyn Xoogaga Alshabaab ee falalka amni daro ka geysta magaalooyinka Nairobi iyo Mombassa.

Madaxweynaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa isna cadeeyay in Dowlada Kenya ay dano gaar ah ka damacsan tahay kala eryinta Qaxootiga Soomaalida waxa uuna qiray haba yaraatee in Xeryahaasi aysan ku jirin Alshabaab.

Madaxweynaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxa uu sidoo kale sheegay in Xerada ay Xubno ka tirsan Qaramada Midoobay ku tageen Booqasho dhowr saac qaadatay Hayeeshee aysan helin wax muujin kara in Dhadhaab ay gabaat u tahay Alshabaab, Dowlada Kenyana ay tahay mid ujeedooyin kale leh.

"Wax xaqiiqo ah oo cad looma hayo in xeryaha Qoxootiga deegaanka Dhadhaab ee Kenya ay ku dhex-sugan yihiin kooxaha argagaxisada ah,” ayuu yiri Ergayga Masar ee Qaramada Midoobay, Abdellatif Aboulatta oo ka hadlayay kulan ay Goluhu ku yeesheen xaruntooda Magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Madaxda Dalka Kenya, ayaa horay u sheegay in Xeryaha Qoxootiga Dhadhaab oo ay ku jiraan Nus-malyuun qof oo qoxooti ah, kuwaasoo intooda badan ah Somali ay Kooxaha argagaxisada ahi kasoo qaadaan duullaamada ay ka geystaan Kenya