Maxamed Ibrahim (Qabo) Hogaamiyihii Midnimadda iyo Horumarka Togdheer Q.1aad W/Q: Mr.Hamse Bashe Wiyeer

0
Saturday May 28, 2016 - 14:24:13 in by Burco Office
  • Visits: 944
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxamed Ibrahim (Qabo) Hogaamiyihii Midnimadda iyo Horumarka Togdheer Q.1aad W/Q: Mr.Hamse Bashe Wiyeer

    Maxamed Ibraahim Aadan Qabo-Badhasaabka Gobolka Togdheer Taarikh ahaan waxay ku beegnayad habeen khamiisi soo gelayso 23kii bisha febarwari ee sanadkii hore (23/12/2015)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxamed Ibraahim Aadan Qabo-Badhasaabka Gobolka Togdheer Taarikh ahaan waxay ku beegnayad habeen khamiisi soo gelayso 23kii bisha febarwari ee sanadkii hore (23/12/2015)

markii madaxweynaha Jamhuriyadda Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo, xilal uu isku bedelay uu u magacaabay Maxamed Ibrahim Aadan (Qabo) oo ahaa la-taliyihii madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinka, in uu gadhwadeen(Badhasaab) u noqodo gobolka Togdheer, oo ahgobol ay magaalo madax u tahay caasimadda labaad ee Somaliland.


Haddaba shacabka gobolka Togdheer ayaa maalintii badhasaab Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo) la magacaabay ilaa intuu ka imanaayey magaaladda Burco, hadal haynta, hambalyada iyo dareeno xambaarsan soo dhaweeyn qofba qofka kale ugu dareen celinaayey.

 

Sababaha ugu waaweyn ee gaadhsiiyey gudoomiye Maxamed Ibraahim ilaa heer ay bulshadu raagsato imaatinkiisa Burco ayaa ah tiro-ba dhawr qodob oo dawladnimada iyo horumarka kow ka ah sida:

1. Maxamed Ibraahim Qabo oo ah muddane leh khibrad iyo aqoon durugsan oo la xidhiidha maamul wanaaga iyo maamul daadejinta saxda ah.


2. Dhalinyaradii soodhaweynta ka qayb qaatay oo ku asteeyey in Maxamed Ibraahim yahay haldoor da’a ahaan dhalinyaro ah oo xambaarsan hamigii dhalinyarada reer Togdheer.


3. Salaadiinta iyo odayaasha Burco oo gudoomiyaha cusub u aqoonsaday in uu yahay shakhsiga kaliya ee reer Burco midaynkara, xili badhasaabadii ka horeeyey ay ka itaal roonaatay kala qoqobnaan ka jirtay gobolka.


4. Haweenka iyo hooyooyinka ku nool Burco oo mush’xaradii iyo caleemihii qoyanaa ee ay kusoo dhaweeyeen badhasaab Maxamed Ibraahim oo tilmaamaysay baahida ay u qabeen isbedel cusub oo guud ahaan gobolka gaar ahaan caasimadda labaad ee Burco ka hirgala.


5. Guud ahaan waxgaradka Burco oo u arkay in gudoomiyeyaashii gobolada ee madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo wuu xiligaas magacaabay ay iyagu nasiib u yesheen halyey ku sunntan qaranimada Somaliland.


Hadaba qodobadan oo ah wax qoraal aan lugu soo koobi karin ayaa ka dhigay mudane, Maxamed Ibraahim (Qabo) mid si dhoolo-cadayn iyo waji furnaan leh u fadhiista xafiiskii loogu talo galay in uu xilka saran ku guto.

Horaa loo yidhi "Wixii rag ku tashado, rabina la garab galo, way rumoobaan” gudoomiye Qabo wuxuu la kulmay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo waxgaradka gobolka, si uu u ogaado ilaa heerka ay gaadhsiisantahay nabadgelyada, horumarka iyo ilaha dhaqaale ee gobolku; isla markaana uu u helo meel fiican oo uu waxqabad la taaban karo ka bilaabo, kulan kaasina wuxuu keenay inuu sii xoojiyo hamigii reer Togdheer ay ka qabeen gudoomiye Maxamed Ibraahim, sidoo kale waxay xaqiiqsadeen reer Togdheer odhaahda somaliyeed ee tidhaahda "Far keli ahi fool ma dhaqado”ama"Isku duubnibay laba gacmood tamar ku yeeshaan” taas oo tusaale u ah in gudoomiyuhu keligii aanu horumar iyo isbedel keeni karin haddii bulshada gobolka aanu ka helin dhiirigelin iyo garab istaag.


Lasoco Qaybta 2aad


Mr.Hamse Bashe Wiyeer

E-mail:Xamse18@gmail.com

BBA-Accountant and Financer

Hargeysa/Somaliland