Daawo Sawirada Tababarkii Kooxaha Real Madrid Iyo Atletico Madrid Ku Sameeyeen Garoonka San Siro Ka Hor Finalka Champions League+Sawiro
Ciyaartoyda Real Madrid ayaa tababar ku sameeyay garoonka San Siro ka hor kulanka finalka Champions League ee ay caawa garoonka magaalada Milan kula ciyaarayaan kooxda deriskooda ah ee Atletico Madrid.
Los Blancos ayaa baadigoob ugu jirta koobkeedii 11aad ee Champions League iyadoo sannadii 2014 hantay koobkoodii 10aad oo loo yaqaano La Decima, waxaana ay ka qaadeen isla kooxda ay caawa la ciyaarayaan ee Atletico Madrid iyagoo waqtigii dheeriga ahaa ee 30ka daqiiqo uga badiyay 4-1.
Cristiano Ronaldo oo isbuucii dhamaaday shaki la gelinayay taam ahaanshihiisa ayaa si buuxa uga qeyb qaatay tababarka, waxaana uu diyaar u yahay inuu caawa ku soo bilowdo kulanka garoonka Guisepe Meaza iyadoo weerarka Real ay hogaamin doonaa BBC.
Daawo Sawirada tababarka Real Madrid ee San Siro:
Dhinaca Kale :;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;
tababare Diego Simeone ayaa kooxdiisa ku leyliyay garoonka San Siro ka hor kulanka ay caawa garoonkaas kula ciyaarayaan kooxda Real Madrid iyadoo labada kooxood ee Madrid ka dhisan ay u tartamayaan kooxdii noqon laheyd sannadkaan boqorada Yurub.
Atletico Madrid oo xilli ciyaareed fiican uu soo maray ayaa dooneysa inay ka dhigto xilli ciyaareedkan mid taariikhda u gala oo ay Atletico ku guuleysato koobkeedii ugu horeeyay ee Champions League iyagoo seegay koobkaan sannadii 2014.
Atletico ayaa sannadkaas u soo baxday finalka Champions League laakiin waxaa koobka horjoogsatay kooxda deriskooda ah ee Real Madrid kuwaasoo guul 4-1 ah ku gaaray magaalada Lisbon ee dalka Portugal.
Daawo Sawirada Tababarkii Atletico Madrid ee garoonka San Siro:
Daawo Sawirada Tababarkii Kooxaha Real Madrid Iyo Atletico Madrid Ku Sameeyeen Garoonka San Siro Ka Hor Finalka Champions League+Sawiro
Kooxaha Reer Spain Ee Wada Ciyaari Doona Caaawa Champion League Ayaa Sameeye Tababarkii Ugu Dambeeyey