Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada oo xilkii u kala wareejisay Agaasimihii Hore Ee Maamulka Madaxtooyada iyo Agaasimaha Cusub ee Bedelay.

0
Sunday May 29, 2016 - 08:30:19 in by salman abdi
  • Visits: 542
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada oo xilkii u kala wareejisay Agaasimihii Hore Ee Maamulka Madaxtooyada iyo Agaasimaha Cusub ee Bedelay.

    Agaasimihii Maamulka Madaxtooyada Somaliland hadana ah Gudoomiye ku xigeenka Hay'adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland, Mudane Maxamuud Cabdilaahi Xarbi, ayaa saaka Xilkii Agaasimaha maamulka Shaqaalaha Madaxtooyada ku wareejiyey Agaasimaha dhawaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Agaasimihii Maamulka Madaxtooyada Somaliland hadana ah Gudoomiye ku xigeenka Hay'adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland, Mudane Maxamuud Cabdilaahi Xarbi, ayaa saaka Xilkii Agaasimaha maamulka Shaqaalaha Madaxtooyada ku wareejiyey Agaasimaha dhawaan loo magacaabay Xilkaas, waxana xilkani lagula kala wareegay Munaasibad ka qabsoontay Gudaha Qasriga Madaxtooyada oo ay goob joog ka ahaayeen Madax qaybeedyada waaxyaha kala duwan iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Marwo Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis (Khadra X Gaydh) oo iyagu labadaa masuul u kala wareejisay xilka.


Mudane Xarbi oo halkaa ka hadlay ayaa ugu horayn sharaxaad ka bixiyey waayihii iyo marxaladihii kala duwanaa mudadii uu joogay xilkaasi, sidoo kalena waxa uu soo bandhigay wax qabadkiisii, sidoo kalena waxaa uu u mahad celiyey Shaqaalaha kala duwan ee Madaxtooyada ee sida fiican ula soo shaqeeyeen mudadii uu xilka hayey sidoo kalena wuxuu masuulkani xilkii ku wareejiyey Agaasimaha cusub isagoo kula dardaarmay inuu waajibaadka xilkiisa u guto si sharciga waafaqsan.

 

Agaasimaha Cusub ee Maamulka iyo Shaqaalaha Madaxtooyada Saacid Cabdi Ciise oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa xusay inuu aad ugu faraxsan yahay xilkan uu maanta la wareegaayo islamarkaana uu rajaynaayo inuu wanaag badan kala kulmo shaqaale weynaha madaxtooyada iyo masuuliyiintaba, waxana uu u mahad naqay maamulkii uga horeeyey xilkaasi sida wanaagsan ee ay uga soo shaqeeyeen, Mr Saacid ayaa ka dhawaajiyey inuu leeyahay khibrad iyo waayo aragnimo maamul oo uu muddo badan kasoo shaqaynaayey sidoo kalena wuxuu balan qaaday inuu si daacadnimo leh u gudan doono shaqadaasi islamakraana uu shaqaalaha iyo maamulka kula shaqayn doono niyad wanaag.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Marwo Khadra Xaaji Gaydh oo ugu danbayntii madashaasi ka hadashay ayaa sheegtay in xilku yahay qori isu dhiib qofkuna uu ka tago ama uu ka dhinto islamarkaana aanu ahayn wax lagu waarayo, Marwo Khadar Xaaji Gaydh waxay xustay dedaalkii iyo kartidii hore ee uu lahaa Maamulkii hore ee Shaqaalaha Madaxtooyadu waxaanay uga mahad celisay mudadii ay soo wada shaqeeyeen, sidoo kalena waxay xilkaasi cusub kusoo dhawaysay Agaasimaha cusub ee maamulka iyo shaqaalaha madaxtooyada mudane saacid oo ay carabowday inay garab taagin yihiin lana shaqayn doonto.

Si kastaba ha ahaatee munaasibada xil wareejintan ayaa kusoo dhamaatay waji degan oo xasiloon waxana halkaas si rasmiya xilkii ula wareegay Agaasimaha cusub ee maamulka iyo shaqaalaha madaxtooyada Saacid Ciise.

 

 

 

Wa-bilaahi Tawfiiq