"Waxaanu KU Celinaynaa Dawlad Ahaan, Xukuumad Ahaan,Xisbi Ahaan Iyo Qaran Ahaanba Inaanu Heshiiska Dekedu Waxyeelo U Lahayn Cid Ka Mid Ah Dalalka Jaarka La Ah Somaliland"Muuse Bixi

0
Sunday May 29, 2016 - 15:37:13 in by salman abdi
  • Visits: 523
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxaanu KU Celinaynaa Dawlad Ahaan, Xukuumad Ahaan,Xisbi Ahaan Iyo Qaran Ahaanba Inaanu Heshiiska Dekedu Waxyeelo U Lahayn Cid Ka Mid Ah Dalalka Jaarka La Ah Somaliland"Muuse Bixi

    Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweyne ee xisbigaasi Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa meesha ka saaray in heshiiska maalgalinta dekedda Berbera ee dhawaan xukuumaddu la gashay shirkadda DP World ee dalka Imaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweyne ee xisbigaasi Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa meesha ka saaray in heshiiska maalgalinta dekedda Berbera ee dhawaan xukuumaddu la gashay shirkadda DP World ee dalka Imaaraadka Carabta uu dhibaato u gaysanayo qaar ka mid ah dalalka jaarka ah. Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu sheegay in dad cadow ku ah guulaysiga heshiiskan ay fidiyaan daacayado raqiis ah oo ay ku sheegaan inuu waxyeelo ku yahay dalal aannu carrabaabin oo jaarka ah, balse taa beddelkeeda waxa uu xusay inuu maalgashigani horumar ballaadhan ka gaysan doono guud ahaan Gobolka Geeska Afrika.

Dhawaan dawladda Somaliland waxay heshiis la soo gashay shirkadda la yidhaa DP World, waxaannuna hubnaa in heshiiskaasi noqonayo mid wax u soo kordhiya Geeska Afrika oo dhan, mid horumar u sameeya Somaliland, horumarna gaadhsiiya dalalka aynu jaarka nahay. Mar labaad waxaannu ku celinaynaa dawlad ahaan, xukuumad ahaan, xisbi ahaan iyo qaran ahaanba in aannu heshiiskaani waxyeelo u lahayn cid ka mid ah dalalka jaarka la ah Somaliland sida ay hadda dacaayado badan uga fidiyaan kuwa cadowga u ah inuu hirgalo heshiiskaasi,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi Cabdi oo hadal ka jeediyey xaflad uu kaga qaybgalay Hargeysa shalay oo loo sameeyey xuska sannad-guurada 25aad GIMBOT ee guushii jabhaddii EPRDF ku qabsatay dalka Itoobiya.

 

Waxa kaloo uu Guddoomiyuhu si gaar ah uga hadlay xidhiidhka iyo horumarka dhaqaale ee heshiiska dekedda Berbera ka gaysan karo dalka Itoobiya iyo Somaliland, waxaannu yidhi, "Maanta Somaliland iyo Itoobiya waa laba dal oo xidhiidh xoog leh ka dhexeeyo, gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha, waxaannuna filaynaa mustaqbalka dhaw in Somaliland qayb wayn ka qaadan doonto isku xidhka dhaqaalaha labada dal iyadoo aynu filayno dhawrka sanno ee soo socda inuu hirgalo dhabbaha la yidhaa Berbera Corridor (jid isku xidha Somaliland iyo Itoobiya) oo waddo iyo tareen labadaba ka kooban iyo in dekedda Berbera noqoto ugu wayn qaybta u badan Itoobiya wax kala soo degi karto, taana waxa laga rabaa Somaliland inay u diyaargarowdo oo aynu hawsheeda qabanno, waxaanna ku xidhan horumarkeenna guud.”

Dhinaca kale, Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu ku hambalyeeyey xuska GIMBOT shacabka iyo dawladda dalka Itoobiya oo uu sheegay inay muddadaa shan iyo labaatanka sanno ah ee ay kaga ku gaadheen horumar wayn oo ay kaga mid noqdeen waddamada ugu horreeya qaaradda Afrika dhaqaale ahaan, koritaan ahaan iyo horumar ahaanba.