Maxaa Laga Bartay Kulankii Ay Xalay Real Madrid Ku Hanatay Koobkeedii 11 aad Ee Champions League ?
Zidane Wuu Kala Saaray Shaxdiisa Ugu Xoogan Iyo Tiisa Ugu Quruxda Badan !
Hadii uu shaxda kulankii xalay uu soo xulan lahaa Florentino Perez dabcan wuxuu soo xulan lahaa James Rodriguez oo ka ciyaara booskii Casemiro si lamid ah kulankii ay ceebta ka raacday El Classioc ee uu hogaaminayay Rafa Benitez laakin Zizu ayaa diiday in lala soo farageliyo shaxdiisa wuxuuna khadkiisa dhexe ku aaminay xidiga ree Brazil kaasoo kamid ah xidigihii ugu fiicnaa garoonka kulankii xalay wuxuuna nasiibka u diiday inuu shabaqa soo taabto kulankii muhiimka ahaa ee xalay waliba daqiiqaidi lixaad ee bilowga ciyaarta sidoo kale wuxuu fursad aad u fiican u abuuray Benzema laakin markale Oblak ayaa diiday in sahal lagu tago shabaqiisa.
Atletico Waxay Ku Socoto Horumar Weyn.
Atletico ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed soo jiidasho leh iyadoo sidoo kale waxay tamar iyo xamaasad u sheegteen ciyaartooyda Real waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta, Rojoblancos ayaa ciyaarta ku bilaabatay xamaasad waxayna cadaadis saarayeen dhigooda Real haba ugu darnaato waqigii goolka lagu lahaa iyo 30 kii daqiiqo ee dheeriga ahaa ee ciyaarta lagu daray.
Diego Simeone Wax Badan Ayuu Ka Bartay Qaladkiisi 2014
Simeone ayaa kulankii Lisbon ee ay finalka Champions league la ciyaareen kooxda isla kooxdaan Real madrid sameeyay sadex badel 90 kii daqiiqo ee ugu horeeyay ciyaarta isagoo aaminsanaa in ciyaarta ay u dhmaatay siduu uu rabay maadaama ay gool lahaayeen ilaa dhamadkii ciyaarta taasoo keentay in Carlo Ancelotti oo markaasi ahaa macalinkii Real Madrid uu badal sameeyo waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta taasoo ugu danbeyna saamen ku yeelatay ciyaarta, Diego ayaana si fiican isaga ilaaliyaya qaladkaas xalay waxaana uu sameeyay kaliya hal badel 90 kii daqiiqo ee ugu horeeyay ciyaarta halka uu waqtigii dheerigaahaa ee ciyaarta uu keensaday labo ciyaairyahan waliba uu mid waliba dan ku kaliftay markii ay dhaawacyo dareemeen Luis iyo Koke.
Zidane Nasiibka Ayaa Badbaadiyay Laakin Wali Waxaa U Dhiman Waxbarasho Macalinimo.
Zizu waa ciyaariyahan halyeey u ah shaqsi waliba oo kubada jecel laakin taasi wali lama dhihi karo macalinimadiisa, wuxuu qabtay shaqo fantaastik ah marka la eego inuu soo nooleysiiyay tartanka horyaalka La Liga sidoo kale uu farqigii 10 ka dhibcood ahaa ku soo yareeyay hal dhibcood hadii uu horyaalka bilaaban lahaa markii isaga uu noqday macalinka Madrid wuxuu si nadiif ah u hanan lahaa horyaalka, wuxuu isku keenay dhamaan ciyaartooyda kooxdiisa sidoo kale wuxuu jamaahiirta ku soo celiyay kalsoonidii kooxda laakin amaantaas dhan wali waxaa ka badan inuusan ka faa’ideysan khibradii Carlo Ancelotti marka la eego kulanka ugu muhiimsan waayihiisa tababarenimo.
Zizu ayaa daqiiqadii 77aad ee ciyaarta sameeyay dhamaan sadexdii badal ee uu heli karay wuxuuna ciyaarta ka saaray Carvajal oo dhaawac uga baxay garoonka, toni Kroos oo xalay kamid ahaa xidigaha Real ee garoonka kasoo dhashay iyo Karim Benzema waxyana xiligaasi kooxdiisa laheyd 1 gool laakin labo daqiiqo kadib ciyaarta ayaa noqotay barbaro 1-1 ah kadib goolkii laga soo shaqeeyay ee Yannick Carrasco, waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta waxaan xanuuno badan dareemayay Cristiano Ronaldo, Gareth Bale iyo Marcelo kuwaasoo dhamaan u baahnaa in la badalo hadii ay suurogal tahay waxaana la arkayay Gareth Bale oo aan xitaa kubada darebyn karin, in dhamana ciyaartooydaas ayasan kubada ugu dagaalami karin sidii la rabay ayaa keentay in Madrid laga heysto kubada inteeda badan qeybtii danbe ee waqtigii dheeriga ahaa, Zizu ayaana taas u baahan inuu wax badan ka barto.
Clattenburg Wuxuu Cadeeyay Tayadiisa Garsoorenimo
Garsooraha ingiriiska ayaa kamid ah kuwo ugu fiican yurub waqti xaadirkaan wuxuuna xalay markale cadeeyay ineysan saameyn ku laheyn cadaadiska kulamada waa weyn iyo qeylada ciyaartooyda, Ramos ayaa galay qalad waali ah oo ay ciyaartooyda Atletico ku dalbadeen in ciyaarta laga saaro laakin wuxuu si fiican u eegay sida uu qaladka ku galay kabtanka Madrid, markale Pepe ayaa isku dayay inuu kaar u qalqaaliyo Flipe Luis laakin garsooraha ingiriiska ayaa canaantay una sheegay inuu la socday dhaqdhaqiisa, si lamid ah markuu isku dayay in ciyaarta laga saaro Yannick Carrasco, garsooraha ayaa sidoo kale amaan ku mudnaa inuusan ku degdegn go’aanada iyo qeylada ay ciyaartooyda kala hortagayeen in kasto ay ka fakteen uu si saxan u arki waayay qaladaad ay kamid yihiin gool ku laadkii lagu abaalmariyay Torres oo dood badani laga keenay iyo in calanwadihiisa uu arki waayay goolkii Sergio Ramos oo ahaa hourmarto ama Offside.
Maxaa Laga Bartay Kulankii Ay Xalay Real Madrid Ku Hanatay Koobkeedii 11 aad Ee Champions League ?
Real Madrid ayaa hanatay koobkeedii 11aad ee tartanka Champions league oo ay ka qaaday kooxda ay dariska yihiin ee Atletico de Madrid kulankii ka dhacay magaalada Milano ee dalka talyaaniga, hadaba maxaan ka baranay kulankaas ?