Suldaan Barre Oo Si Mugle U Taageeray Ee Dekada Berbera Iyo Fariinta Uu U Diray Bulshada Reer Somaliland.

0
Monday May 30, 2016 - 09:26:01 in by salman abdi
  • Visits: 773
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suldaan Barre Oo Si Mugle U Taageeray Ee Dekada Berbera Iyo Fariinta Uu U Diray Bulshada Reer Somaliland.

    Suldaan Bare Xaaji Xuseen Caraale oo kamid ah salaadiinta waa weyn ee reer somaliland, ayaa taageeray qorshaha maalgashiga Dekada Berabera ,isagoo sidoo kalena fariin u diray bulshada reer somaliland iyo war-xuma tashiilka dhanka xun wax ka eeg.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suldaan Bare Xaaji Xuseen Caraale oo kamid ah salaadiinta waa weyn ee reer somaliland, ayaa taageeray qorshaha maalgashiga Dekada Berabera ,isagoo sidoo kalena fariin u diray bulshada reer somaliland iyo war-xuma tashiilka dhanka xun wax ka eeg.



Suldaan Bare Xaaji Xuseen Caraale oo kamid ah Salaadiinta ugu miisaanka culus ee gobolka maroodi-jeex ayaa taageeray maagashiga Dekada Berbera”Waxaan soo dhaweynayaa malgashiga Dekada caalamiga ah ee Berbera,anigoo ku hambalyeynaya Madaxweyaha Jamhuurida Somaliland Md Axmed Siilaanyo iyo xukuumaddiisa oo ku guuleystay maalgelinta caalmiga ah ee Dekada Berbera lagu samaynayo” Ayuu yidhi Suldaan Barre.

Geesta kalena Suldaan Barre ayaa buslshad reer somaliland, Salaadiinta, cuqaasha ugu baaqay in ay taageeraan khayrka iyo barwaaqada ku soo korodhay dalka waxaanu xusay in shaqao abuur badan laga helidoono maalgelinta Dekada Berbera lagu samaynayo,isagoo intaasi ku daray in ay maalgelinta Dekada Berbera dhabaha u xaadhayso maalgashiyo caalimia ah oo kala duwan,kuwaas oo lagu sameeyo dalka Somaliland”Waxaan ugu baaqaya bulshada reer Somaliland salaadiinta cuqaasha in ay taageeraan mashruuca maalgelinta Dekada Berbera,kaas oo ah barwaaqo u soo korodhay qaranka 25 jirka ah ee somaliland ,waxaana laga helayaa shaqo abuur tiro badan,maagelinta Dekada Berbera waxay hormoo u noqon doontaa maalgelino caalami ah oo dalka laga hirgeliyo,waxaan ugu baaqayaa dadka Tv-yada ka haddlay ee ka soo horjeeda khayrka iyo barwaaqada ku soo kordhay qaranka somaliland,in ay dalka barwaaqada u soo koradhay baashooda ka qabsdaan oo ay ka dayaan hargardaamada ” ” Ayuu yidhi Suldaan Barre.

Ugu Dambayntii Suldaan Barre ayaa shaagay in uu ka soo horjeedo wax kasta oo qaranka somaliland dhibaato u horseedaya, waxaanu sheegay inuu ku farxsanyahay talaabo kasta horumar ah oo uu qaado qaranka somaliland,isagoo sheegay in uu madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumaddiisa ku hambalyayenayo mashruuca lagu maalgelinayo Dekada Berbera.