Ciidammada Ciraaq Oo Weerarkii U Dambeeyay Magalada Falluja Ku Qaaday

0
Monday May 30, 2016 - 13:33:41 in by salman abdi
  • Visits: 741
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidammada Ciraaq Oo Weerarkii U Dambeeyay Magalada Falluja Ku Qaaday

    Ciidammada Ciraaq ayaa sheegay in ay bilaabeen hawlgal ay ku qabsanayaan magaalada Falluja oo ah meel ay ku xoog badan yihiin kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidammada Ciraaq ayaa sheegay in ay bilaabeen hawlgal ay ku qabsanayaan magaalada Falluja oo ah meel ay ku xoog badan yihiin kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka.


Waxay imanayaa todobaad ay dawladdu waday dadaallo ay dib ugu qabsan rabto magaaladaas oo gacanta ugu jirtay daka jihaad doonka ah tan iyo sanadkii 2014-kii.

Dad shacab ah oo lagu qiyaasay konton kun ayaa ku xayiran gudaha magaaladaasi, boqolaal qoys oo kali ah ayaana ilaa iyo hadda soo baxsaday.

Iyada oo ciidammadu ay ku sii siqayaan Falluja bambooyin badan oo gudaha iyo dibadda magaalada ka dhacay ayaa dilay ugu yaraan labaatan ruux.

Xogaagga dawladda oo ay ku jiraan waaxda ladagaalanka argagixisada ayaa ku sii siqaya magaalada Falluja iyaga oo dhinacyo kala duwan ka weeraraya sida lagu sheegay qoraal rasmi ah oo ay saraakiishu shaaciyeen.

Dagaalyahanada kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka ayaa difaac ka dhiganaya qaraxyo iyo gawaadhi lagu rakibay waxyaabaha qarxa.