Dad Loo Haystay Qaraxi Daalo Oo Xukuno Kale Duwan Lagu Riday.+Sawiro

0
Monday May 30, 2016 - 13:39:26 in by salman abdi
  • Visits: 674
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad Loo Haystay Qaraxi Daalo Oo Xukuno Kale Duwan Lagu Riday.+Sawiro

    Maxkamada darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida ee Dowlada Soomaaliya , ayaa maanta ku dhawaaqday xukuno kala duwan oo xabsi ah oo lagu riday dad lagu helay in ay ku lug lahaayeen qaraxii ka dhacay Diyaarada Daallo Airilne. Guddoomiyaha maxkam

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamada darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida ee Dowlada Soomaaliya , ayaa maanta ku dhawaaqday xukuno kala duwan oo xabsi ah oo lagu riday dad lagu helay in ay ku lug lahaayeen qaraxii ka dhacay Diyaarada Daallo Airilne. Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya, gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute, oo xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay in C/wali Maxamuud Macow iyo Careys Xaashi Cabdi oo ahaa Maskaxdii ka dambeesay qaraxii Daallo lagu riday Xukun Xabsi Daa'in ah.

 



Madaxii amniga ee hey’adda duulista iyo saadasha hawada ee garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, C/wali Maxamuud Macow , ayaa Maxkamadu sheegtay in uu ahaa Ruuxii diyaariyay Laptobka Diyaarada lagu qarxiyay una gudbiyay ruuxii qaraxaasi fuliyay.

Maxkamada ayaa sidoo kale sheegtay Careys Xaashi Cabdi oo ka maqnaa Maxkamada in uu ahaa ruuxii abaabulay qaraxii ka dhacay Diyaarada Daallo uuna lacag iyo waqti badan ku bixiyay diyaarinta qaraxaasi, waxaana isaga oo maqan Maxkamada ku riday Xukun Xabsi daa'in ah.

Waxaa sidoo kale Maxkamada xukuno kale oo sanada ah ku riday dad kale oo iyana lagu helay in kiiskan ay kulug lahayaeen kuwaa oo kala ah Abshir Maxamed Macalin Axmed, Safiyo C/laahi Xasan Cali,oo lagu xukumay min lixsano oo xabsi ah, waxaa sidoo kale min hal sano lagu xukumay Liibaan Maxamed Yalaxow, Cumar Muxudiin Xuseen (Qoorey) iyo Maxamed Cabdi Cilmi, maxkamada ayaa ugu dambeyn min lix bilood oo xabsi ah ku riday Bashiir C/laahi Afrax, Cali Nuur Salaad Diiriye iyo Aadan Daahir Diiriye.

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa sidoo kale dambiyo ku weysay shan qpf oo kale oo kiiskan u xirnaa kuwaa oo Maxkamadu sheegtay in la fasaxay kadib markii ay ku cadaan waayeen dambiyadii loo heestay.