Soonku Waa Waajib Alle Ina Faray. W/Q: SamSam Ismaciil Cabdi
ugu soo gashaa. hadaba waxa aan jecelaadey in aan idin la wadaago qoraalkan yer ee aan kaga hadlaayo soonka ,innagoo ka bilaabayna xukunkiisa,fadligiisa bisha barkaysan ee Ramadaan, waxyaalaha qofka Muslinka ah la gudboon inuu sameyo iyo waxa qofka looga baahan yahay ,inuu ka digtoonaado si Soonkiisa u noqdo Soon saxa oo uu helo ajar dhamays tiran Insha Allah.
Xukunka Soonka Bisha Ramadaan
Soonku waa waajib ku soo arooray Kitaabka Qur'aanka Kariimka ah, Sunnada Nabigeenna (N.N.K) sonku waa mid ka mid ah,shanta tir Islam."Kuwa Iimaanka laga helayow waxaa lagu farad yeelay dushiinna Soonka sidii loogu farad yeelay kuwii idinka horeyey waxaad mudan tihiin inaad cabsataane ", waxaa kale oo uu Alle ina farey :-"Bisha Ramadaan ee la soo dejiyay dhexdeeda Quraanka, kariim ka si loogu cimro qaato".
Nabigeenuna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye wuxuu yidhi:-" Islaamka waxaa lagu dhisay shan:- Qiritaanka in Ilaahay mooyee Ilaah kale jirin, Muxamadna yahay Rasuulkii Ilaahay (naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye),oogidda Salaadda,bixinta Sakada,Soomista Ramadaan iyo xajka (Kacbada)".
Waxaa kale oo jiray Xadiis uu soo wariyay Dalxa Binu Cubaydullaahi(Radiyallahu canhu) oo uu yidhi:- Nin baa waydiiyay Nabigeena naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaate oo yidhi:-Rasuulkii Ilaahayow(naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkisa ahaatye), iiga waran Soonka igu waajibka ah?, markaasuu yidhi (Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaate):-"Bisha Ramadaan" Markaasuu yidhi (ninkii):-Wax kale oo la igu leeyahay miyaa jira?. Wuxuu yidhi(Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaatye):-"Maya,ā€¯inaad dheraad samayso mooyaane".
Ummaduna waxay isku raacday, inuuna yahay tiir ka mid ah tiirarka Islaamka , qofkii beeniyana uu noqonayo gaal diinta ka baxay. Waxa ana la farad yeelay maalin Isniin ah oo ay Shacbaan 2 ahayd sanadkii labaad ee Hijriyada.
Fadliga Soonka Bisha Ramadaan
-Abuu Hurayra waxaa laga wariyay Ilaahay ha ka raalli ahaadee , in Rasuul Ilaahay naxariis iyo nabdgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-"
Ilaahay sharaf lahaa oo waynaaye wuxuu yidhi:-"Camal kasta oo bini Aadam ka leeyahay isagaa iska leh Soonka mooyaane,aniga ayaa iska leh aniga ayaana ka abaal marinaya"(*) Soonkuna waa gaashaan, markaa haddii maalin Soon ay u tahay midkiin yaanu hadal xun ku hadlo ,qofka soomanihii ilasha do soonkii sa; hana ka fogaado wixii dhibaya soon kiisa sida.
1.cayda
2.xanta
3.wixii xun ee ay ishu qabaneyso
4.wixii xun ee ay dhegtu maqleyso
5.wixii xun ee ay gacantu qabaney so
6. wakhtiyda aan la ogaleen in ay lamaanuhu ku kulmaan gogosha
hadaba akhriiste waxaan filayaa in ay intaasi tusaale inoogu filantey
kana fogoow wixii wax u dhimi kara soonkaga ku na dadaal inaad soonto waayo waa bil leh khayr gaara oo aaney lahayn bilaha kale hana noqon qof cafimaad qaba hadana buka waayo adoo cafimaad qaba oo ay soon tahay hadad soomi weeydo waa nasiib daro ku soo hayatey iyo cadho alle oo uu ilahay ka xisaabin doono maalinta qiyaame hadaba ku dadaal khayr ka waxaan jecely qof kasat oo muslini inuu guuleysto if iyo akhiroba akhriisteyaal guushinu waa guusheyda if iyo akhiroba..
-Waxaa kale oo laga soo wariyay Cabdillaahi Ina Camar in Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-"Soonka iyo Quraanku waxay u shafeeca qaadaan addoonka maalinta Qiyaame, Soonku wuxuu yidhaahdaa Rabbiyow waxaan u diiday cunto iyo shahwooyinkii maalinimo e ee iiga shafeeco yeel, Quraankuna wuxuu yidhaahdaa:-"Waxaan u diiday hurd adii habeenimo ee iiga shafeeco yeel, markaasay u shafeeco qaadaan (oo Ilaahay ka aqbalaa shafeeco qaadka ay Ilaahay u waydiinayaan)" Waxaa ku wariyay Sanad saxiix ah Axmed.
-Waxaa Abii Saciid Al-Khudriyyi Ilaahay ha ka raalli ahaadee laga wariyay in Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-"Uma soo mo addoon maalin IIlaahay jidkii, haddii uu soomana wuxuu Ilaahay kaga fog eeyaa maalintaas wajigiisa naarta toddobaayan Dayrood" Kooxdaa warisay Abii Daa'uud mooyaane.
-Waxaa kale oo Sahal Binu Sacad laga wariyay, in Nabigu naxariis iyo nabad galyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-"Jannadu waxay leedahay albaab la yidhaahdo Arrayaan, maalinta Qiyaamana la yidhaahdo:-" Aaway Soomana ayaashii? marka kooda u dambesa ay gasho ayaa la xidhaa albaabkaas" Muslim iyo Bukhaari ayaa wariyay
face book samsam deggan
samsam daga@gmail.com
W/Q :samsam ismacil cabdi
Soonku Waa Waajib Alle Ina Faray. W/Q: SamSam Ismaciil Cabdi
Walaalkayga muslim ka ahoow, waxa inagu soo foole bishii ramdaan,oo soo galeysa, markaa inta laga gaadhayo waxa la inooga bahanyey ,in aynu u diyaar garoow no waayo qof nasiib leh ayey cafimaad