Kenya:Xoogag Ka Tirsan Xarakada Al-shabaab Oo Gudaha U Galay Dalka Kenya.

0
Tuesday May 31, 2016 - 08:37:57 in by salman abdi
  • Visits: 697
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya:Xoogag Ka Tirsan Xarakada Al-shabaab Oo Gudaha U Galay Dalka Kenya.

    Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab, ayaa lagu soo waramayaa inay gudaha u galeen dalka Kenya, sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan Hay'adaha Sirdoonka dalka Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab, ayaa lagu soo waramayaa inay gudaha u galeen dalka Kenya, sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan Hay'adaha Sirdoonka dalka Kenya.



Wargeysyada ka soo baxa dalka Kenya ayaa qoray warbixinada la xiriira dagaalyahano ka tirsan Shabaabka oo hubaysan inay ka talaabeen xuduuda u dhaxeysa Somaliya iyo Kenya.

Raggani oo lagu qiyaasay 45 qof oo ah dagaalyahano hubeysan ayaa ka gudbay xadka kala qaybiya labada dal, waxaana wararka ay sheegayaan inay gaareen deegaano ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Dagaalyahanada hubaysan ayaa markii ay galeen gudaha dalka waxaa la sheegayaa in ay isku kala qeybiyeen saddex Koox, mid ka mid ah ayaa u jihesatay tuulada Gerille halka kooxda labaadna ay u kictimeen tuulada kale ee Konton.

Qaybta saddexaad ayaa wararka ay sheegayaan in ay aadeen tuulo lagu magacaabo Gamarey oo ku taala Bariga Wajir halkaas oo loo maleynaayo in ay ka geysan rabaan falal argigixisnmo.

Hay’adaha ammaanka dalka Kenya ayaa dhamaantooda la geliyay feejignaan ku aadan ka hortagga ragaasi hubaysan ee la sheegay inay Shabaab ka tirsan oo gudaha dalka Kenya ay u gudbeen.

Taliyaha booliska ee Countiga Wajir Mohamed Sheikh oo xaqiijiyay arintan ayaa sheegay in Ururkaasi ay dalka Kenya gudaha u galeen islamarkaana ay aad u hubeysnaayen.

Al Shabaab ayaa fariisimo ku leh Kaymaha Boni ee dalka Kenya, halkaasi oo ay ka abaabulaan weerarada dalka Kenya ay ka fuliyaan.