Somaliland vs Sapmi: Milicsiga Ciyaartii Axaddii, Wixii Ka Khaldamay Somaliland iyo Ciyaarta Muhiimka Ah Ee Maanta

0
Tuesday May 31, 2016 - 09:18:04 in by salman abdi
  • Visits: 1199
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland vs Sapmi: Milicsiga Ciyaartii Axaddii, Wixii Ka Khaldamay Somaliland iyo Ciyaarta Muhiimka Ah Ee Maanta

    Shacabka Somaliland Oo Si Weyn u taageeraya xulkooda maanta la ciyaaraya Punjab -Xulka qaranka Somaliland ayaa maanta la ciyaaraya waddanka Punjab oo ay isku haleeli doonaan ciyaartoodii u horreysay ee Group D.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shacabka Somaliland Oo Si Weyn u taageeraya xulkooda maanta la ciyaaraya Punjab -Xulka qaranka Somaliland ayaa maanta la ciyaaraya waddanka Punjab oo ay isku haleeli doonaan ciyaartoodii u horreysay ee Group D.


 


Somaliland oo aan wax dhibco ah lahayn ayaa waajahaya Punjab oo shalay 1-0 kaga badisay Sapmi.

Xulka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa la ciyaaray waddanka Sapmi, kulan ka dhacay garoonka weyn ee Gagra oo ku yaalla magaalada Daur Akhvedeliani.

Somaliland iyo Sapmi waxa ku wehelnaya hormada D (Group D), waddanka Punjab, waxaana laga rabaa in saddexdan kooxood ay laba ka mid ahi ka soo baxaan.

12 waddan oo tartanka ku jira waxa Hormo kasta ka soo bixi doonta 2 dal, waxaana siddeedaas dal la isugu beegayaa laba-laba.

Ciyaartii Somaliland vs Sapmi

Markii ay ciyaartu bilaabantay kooxda kubadda cagta Sapmi waxay muujisay inay ka awood badan tahay ciyaartooyada xulka qaranka Somaliland oo aan helin wakhti badan oo ay ku wada tababartaan, qaybta horena waxay Sapmi dhashatay gool, hase yeeshee Somaliland qaybta hore 15-kii daqiiqo ee ugu dambeeyey ayey si fiican iskula qabsadeen, waxaanay heleen fursado goolal noqon karayey, hase yeeshee nasiibka ayaa u diiday inay kubaddu shabaqa gasho.

Xulka qaranka Somaliland oo ciyaartooyadii garoonka soo galay 11 laacib oo ahaa hormoodka xulka halkaas ku sugan, kuwaas oo kala ahaa:

Goolhaye: Cabdinaasir Ducaale

Difaac: Guuleed Cabdi Maxamed, Cabdillaahi Nuur, Guuleed Aadan, Cabdiraxiin Aadan Suldaan

Dhexda: Maxamed-khadar Axmed Kabadhe (Oday), Cabdiraxmaan Cali Wayd, Cumar Sharif Cumar, Liibaan Axmed Maxamed, Cabdikariin Maxamuud Hirsi (Guji).

Weerarka: Liibaan Muuse Cabdi iyo Maxamuud Cabdi Xasan (Govinda).

Qaybtii dambe markii garoonka la soo galay, waxa xulka Somaliland ka dhaawacmay goolhaye Cabdinaasir oo loola cararay Cisbitaalka, taas oo tababaraha Somaliland ku khasabtay in uu goolka geliyo ciyaartoy aan u carbisnayn goolka.

Ciyaartooyada Somaliland oo ogaa in goolkooda uu ku jiro ciyaartoy aan khibrad u lahayn goolka ayaa dedaal badan sameeyey si ay isaga joojiyaan weerarka Sapmi iyo in ay abuuraan fursad ay goolal ku dhaliyaan. Labadaas shaqo ee isugu darsamay iyagoo ku jira ayaa ay xulka waddanka Sapmi ogaadeen in goolka Somaliland uu ku jiro ciyaartoy khadka dhexe ah, kaas oo haddii ay kubadaha ku laagaan ay si fudud u daba marin karayaan, waxaana ay gunaanadkii ciyaartu ku dhamaatay 5-0 ay guushu ku raacday Sapmi.

Ciyaartooyada Somaliland ayaa waxay warbaahinta u sheegeen in halka ay ka wiiqmeen ahayd dhaawaca lama filaanka ah ee ku yimi goolwadihii kali ahaa ee ay wateen, taas oo ah dhaliil loo baahan yahay in abaabuleyaasha kooxdu ay ka digtoonaadaan mararka dambe.

Fursadda Somaliland

Somaliland waxay gellinka dambe la ciyaari doontaa waddanka Punjab oo 1-0 kaga badiyey Sapmi, waxaana Somaliland laga rabaa inay ugu yaraan 2-0 kaga badiso Punjab si ay ugu gudubto Quarter finalka ee tartanka Koobka Adduunka ee dalalka aan la aqoonsanin. Xulka qaranka Sapmi ayaa iyagu noqday waddanka ugu horreeya ee Groupkan ka soo baxay, waxaana inkasta oo laga badiyey ay haystaan 5 gool, taas ayaana ka caawisay inay soo baxdo.

Halkee ayuu ku yaallaa waddanka Sapmi ee ka badiyey Somaliland?

Sapmi waxa uu ku yaallaa qaaradda Yurub, waxaana uu ku teedsan yahay oo uu xuduud la wadaagaa waddamada Norway, Sweden iyo Finland iyadoo dhinaca badda ay iska gaadhaan waddanka Russia. Dadka ku nool dalkaas waxa loo yaqaannaa Sami.

Maxay ku kala duwanaayeen ciyaartooyada Somaliland kuwa Sapmi?

Ciyaartooyada xulka qaranka Somaliland waxa intooda badan laga soo ururiyey waddamada Yurub, gaar ahaan UK, Germany iyo Sweden, iyadoo afar ka mid ahna ay ka tageen magaalada Hargeysa. Ciyaartooyadu may helin wakhti badan oo ay tababar ku wada qaataan, isla markaana ay iskula qabsadaan, taas oo ay u dheerayd in wasaaradda ciyaaraha ee Somaliland ay ka soo horjeedday in ay tagaan tartankaas, halka dalalka kale ay dawladahoodu taageerayeen.

Dhinaca xulka Sapmi, inta badan ciyaartooyadoodu waxay ka ciyaaraan waddamada Norway iyo Sweden, iyadoo ay sidoo kale ku jiraan kuwo ka yimid Finland. Tababaraha Sapmi oo lagu magacaabo Morten Pedersen ayaa isaguna ah nin magac ku leh dunida oo wakhtigii uu ciyaartoyga ahaa ka ciyaari jiray Premier League iyo Bundesliga, sidoo kalena ku jiray xulka qaranka Norway.

Maxay u baahan yihiin xulka qaranka Somaliland?

Ciyaartooyada xulka qaranka Somaliland waxay uga baahan yihiin shacabkooda iyo dawladdooda uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) inay garab istaagaan, isla markaana tusaan inay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin, halka wasaaradda ciyaaraha ee eedaynta iyo canaanta ka daba-dirtayna laga rabo inay raalli-gelin siiso ciyaartooyada iyo abaabuleyaasha dedaalka badan sameeyey.

Somaliland ha guuleysato.

Xigasho: shabakadda ciyaarah eewww.cadalool.com