Wargayso Hargaysa Kasoo Baxa Oo Madaxtooyada U Xidhan Oo Dacwadooda La Bilaabay.

0
Tuesday May 31, 2016 - 09:56:45 in by salman abdi
  • Visits: 629
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wargayso Hargaysa Kasoo Baxa Oo Madaxtooyada U Xidhan Oo Dacwadooda La Bilaabay.

    Waxa Shalay ka bilaabmatay maxkamada degmada Hargeysa dhagaysiga dacwada loo haysto masuuliyiinta wargeyska madaxa banaan ee Hubsad oo ay dacwadani kusoo ogeen sida la shegay madaxtooyada Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa Shalay ka bilaabmatay maxkamada degmada Hargeysa dhagaysiga dacwada loo haysto masuuliyiinta wargeyska madaxa banaan ee Hubsad oo ay dacwadani kusoo ogeen sida la shegay madaxtooyada Somaliland.


Wargayska Hubsad ayaa Madaxtooyada Somaliland ku soo eedaysay inuu qoray warar aan sal iyo raad toona lahayn balse Guddoomiyaha Guud ee Wargayska Hubsad Cabdirashiid Nuur Wacays iyo tifaftiraha wargayska Siciid Khadar ayaa arrinkaasi gaashaanka u daruuray.

Kadib markii uu garsooruhu akhriyey dacwadda ka dhanka ahayd Wargayska Hubsad balse aan eedaymaha madaxtooyada aan loohayn wax cadaymo ah ayaa ay maxkamaddu ka codsatay in la soo dhamaystiro cadaymaha iyo burhaanta eedahaasi, waxaana dhagaysiga dacwadaas mar kale loo mudeeyey salaasada soo socota ee todobaadka dambe.