Dabkii Xalay ka kacay Xarunta Degmada Kaxda Ee Gobolka Hiraan oo lagu guuleystay in la demiyo..

0
Tuesday May 31, 2016 - 10:13:02 in by salman abdi
  • Visits: 682
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dabkii Xalay ka kacay Xarunta Degmada Kaxda Ee Gobolka Hiraan oo lagu guuleystay in la demiyo..

    Dab xoogan oo caawa ka kacay Xarunta Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, ayaa waxaa suurtagashay in la demiyo dabkaasi, oo baabi'iyay qaybo ka mid ah XaruntaasiTaliye Ku Xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya, General Mukhtaar Xuseen Afrax, ayaa s

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dab xoogan oo caawa ka kacay Xarunta Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, ayaa waxaa suurtagashay in la demiyo dabkaasi, oo baabi'iyay qaybo ka mid ah XaruntaasiTaliye Ku Xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya, General Mukhtaar Xuseen Afrax, ayaa sheegay dadaalo badan ka dib in lagu guuleystay deminta dabkaasi.


"Alle ayaa mahadda iska leh hadda ayaan ku guuleysanay in dabka la demiyo, waxaan uga mahadcelineynaa dadweynaha Degmada iyo sida ay u gacan siiyeen ciidamada iyo kooxaha gurmadka deg degga ah ee ka socday Dowladda Hoose iyo Ciidanka Booliska soomaaliyeed.” Ayuu yiri Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Mar uu ka hadlaayay khasaaraha ka dhashay dabkaasi, ayuu marka hore sheegay inaanu gaysan khasaare nafeed, laakiin uu baabi’iyay saddex xafiis iyo mid ka mid ah hawlalka shirarka ee Xaruntaasi.

"Dabku ma gaysan khasaare nafeed, balse wuxuu baabi'iyay saddex xafiis iyo mid ka mid ah hawlalka shirarka ee Degmada." Ayuu yiri General Mukhtaar Xuseen Afrax.

General Afrax, ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano ay ku xaqiijinayaan waxa dhabta ah ee dhaliyay dabka ka kacay Xaruntan, oo dhawaan uun la dhisay.