Madaxwaynahai Hore Ee Somaliya Oo Si Baladhan Lagu Soo Dhawayay Magalada Nairobi Ee Dalka Kenya+Sawiro

0
Tuesday May 31, 2016 - 16:31:43 in by salman abdi
  • Visits: 596
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynahai Hore Ee Somaliya Oo Si Baladhan Lagu Soo Dhawayay Magalada Nairobi Ee Dalka Kenya+Sawiro

    Sheikh Shariif Oo Gaadhay Magaalada Nairobi+Xog Laga Helay U Jeedka Safarkiisa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo si weyn ay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheikh Shariif Oo Gaadhay Magaalada Nairobi+Xog Laga Helay U Jeedka Safarkiisa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo si weyn ay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya u soo dhoweeyeen.

Madaxweynihii hore Sheekh Shariif ayaa la sheegay inuu caasumaad ka helay dowladda Kenya, iyadoo todobaadyadii la soo dhaafay laga sugayay magaalada Nairobi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweyne Shariif uu la kulmi doono Madaxda Kenya, iyagoo ka wada hadli doona xaalada siyaasada siyaasadee ee Soomaaliya.

Dowladda Kenya oo horay Sheekha xurguf xaga siyaasada ugu dhaxeysay ayaa lagu wadaa inay isu soo dhowaadaan.

Sidoo kale waxa uu la kulmi doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya, waxaa uu uga warbixin doonaan howlaha Hey’adda Samadoon Foundation oo uu sanad ka hor aas aasay.

Madaxweyne Shariif ayaa la rumeysan yahay inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha, inkastoo aanu si rasmi ah ugu dhawaaqin, waxaana intii uu ka maqnaa masraxa siyaasada uu ahaa nin inta badan ka gaabsanayay ka hadalka xaalada siyaasadeed ee dalka.

Sheekh Shariif ayaa lagu wadaa inuu tago qaar ka mid ah dalalka deriska ah, waxaana loo arkaa in socdaalkiisa uu xoojin u yahay ololihiisa doorashada.

Warar ay heleyso Jowhar.com ayaa sheegaya in bisha soo socota ee June uu dib ugu laaban doono magaalada Muqdisho oo ay ugu dambeysay sanadkii 2012, xilligaasoo looga itaal roonaatay tartankii Madaxtinimada Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa sanadkan lagu wadaa inay ka dhacdo doorasho, waxaana si aad ah isha ugu haya doorashooyinka dhici doona dalalka deriska ah oo la rumeysan yahay inay taageerayaan siyaasiyiin dhankooda u janjeera.

Sh Sh1

Sh Sh2

Sh Sh3

Sh Sh4

Sh Sh5