Soonku Waa Waajib Alle Ina Faray. 2aad W/Q: SamSam Ismaciil Cabdi

0
Thursday June 02, 2016 - 20:05:01 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1213
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soonku Waa Waajib Alle Ina Faray. 2aad W/Q: SamSam Ismaciil Cabdi

    Waxyaabaha khaaska u ah bishan ramadaan Bisha ramadaan waxay leedahay fadli wayn iyo khaayraad aan la soo koobi Karin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxyaabaha khaaska u ah bishan ramadaan Bisha ramadaan waxay leedahay fadli wayn iyo khaayraad aan la soo koobi Karin.

Illaahay waxa uu adoomadiisa ku faral yeelay sanadkii bil ka mid ah in ay si gaar ah u caabudaan, umada islaamka ahna waa lagu waajibiyay sidii umadihii ka horeyay loogu waajibiyay, illaahay waxa uu yidhi "kuwa muumininta ahow waa la idinku waajibiyay soonka sidii loogu waajibiyay kuwii idinka horeyay, waana in aan illaahay ka cabsataan” [albaqra-183]

Sidaa darteed soonku waxa uu waajib ku yahay qof kastoo muslim ah rag iyo dumar iyadoo shuraadeedana laga raacayo kitaabka iyo sunaha, taasi waxay ay ina tusaysaa in ay tahay cibaado ayna ka maarmayn muuminiintu marka loo eego sida loo kala nidaamiyay gudashadeeda iyo faa’iidoyinka soonka iyo wanaaga cidhibtiisa danbe, sida naftu khayrka ugu tarbiyadasmayso iyo quwada ay u yeelanayso xaqa qaadashadiisa iyo sida ay ugu fududaanayso xumaanta ka dheerashaheeda.

Waxyaaba illaahay u khaas yeelay bisha ramadaan sida ku sugan xadiisyada rasuulka (CSW) waxa ka mid ah "markay ay soo gasho bisha ramadaan in la furo albaabada janada” waxa wariyay bukhaari, abu hureera (RC) Nabigu waxa uu yidhi "marka ay soo gasho bisha ramadaan waxa la furaa albaabada samada waxana la xidhaa albaabada naarta, waxa silsilad lagu xidhaa shadaadiinta” taasina kama qarsoona qofka muuminka ah ee loo bishaaraynayo isna waa in uu ku dadaalo siduu camalo wanaagsan ukeeni lahaa oo uu ku gaadho janada, waxa kaloo u sahlanaanaysa bisha ramadaan sababihii u gargaarsan lahaa in xasanaadkiisa lalaba laabo, bisha ramadaan illaahay waxa uu ka yeela inay noqoto mid laga fogaado xumaanta oo daciifisa, khiyaamooyinka shaydaanka.

Waxa ka mid ah fadliga bisha ramadaan sida ku sugan saxeexenka abu hureera (RC) in u Nabiga ka soo wariyay (CSW) "Qofka sooma bisha ramadaan isagoo muumin ah illaahayna wanaag ka rajaynaya in laga dhaafo wixii hore danbi u galay” hadaba qofka sooma bisha ramadaan isagoo rumaysan faralnimadeeda illaahayna ka rajaynaya abaal marinteeda iyo ajarkeeda, isagoo ku dadaalaya siduu u raaci lahaa sunaha Nabigu (CSW) kaa waxaa loogu bushaareyay danbi dhaaf.

Hadii ay ahayd abaal marintu soonku mid labalaaban, iyadoo lahayn cama la tiri karo, waxa uu illaahay ku abaal marinyaa qofka sooman ajar aan xisaab lahayn sida ku sugan xadiiska uu soo wariyay Salmaan "Qofka la yimaada camal wanaagsan wuxu la mid yahay sidii qof gutay faral, qofka la yimaada faral wuxuu la mid yahay qof gutay 70 faral” qofka sooman bisha Ramadan waxa loo labalaaba camalkiisa iyo abaal marintiisaba.

Waxa ka mid ah fadliga bisha ramadaan in malaa’igtu illaahay ay u waydiiso adoomaha sooman inuu asturo oo uu dhaafo danbiyadooda, waxa Nabiga (CSW) laga soo wariyay isagoo la hadlaya kuwa sooman "Malaa’igtu illaahay ayay danbi dhaaf u waydiisa saayimiinta ilaa inta ay gaadhayso wakhtiga afurka” malaa’igtu waa khalqi daahir ah oo illaahayna karaameyay, illaahayna aqbalay ducadooda iyo cidii ay danbi dhaaf u waydiiyaan, dadku way danbaabayaan waxayna u baahan yihiin toobada iyo danbi dhaaf, xadiisu qudusi illaahay waxa uu leeyahay "Adoomadaydiyow idinku waa gafaysaan habeen iyo maalin aniguna danbiyada oo dhan waan dhaafa, danbi dhaaf I waydiista waan idin danbi dhaafi” marka muuminka danbi dhaaf waydiisanayo illaahay iyo kay malaa’igtu isaga illaahay u waydiinayso wuxuu helayaa liibanta ugu saraysa iyo wax yaabah muumintisu illaahay ay ka rajeeyaan kuwa ugu wanaagsan, waa bishii wanaaga illaahayna waxa uu jecel yahay dadka wanaagsan waxana u balanqaaday danbi dhaaf, jano, liibaan, iyo wanaag oo ah halka ugu saraysa iimanka, la is waydiin maayo darajada uu leedahay janada iyo wax yaaba uu kala kulmayo ee nimcooyin iyo midabo kale gadisan illaahay ku karaamay "Waxay qaadanayaa wixii uu siyay rabigood iyaguna waxay ahaayen kuwa hore wanaag u samayay” [aldaariyaat-16]

Waxa u hawl yaranaysa bishan barakaysan quudinta masaakiinta iyo afurnta saayimiinta waxayna ka mid yihiin sababa uu illaahay ugu danbi dhaafo adoomihiisa naartana laga xoreyo ajarkana loogu laba laabo iyo ka cabida xawdka nibiga (CSW)

Kaas oo qofka ka basho ka cabaa aanu weligii dib u haradeyn, illaahay waxa aanu waydiisanaynaa inuu nagu manaysto nagana waraabiyo xawkiisa, quudinta masaakiinta waxa ay ka mid tahay sababaha lagu galo janada HOYGA NABAD GELYADA.

Ramadaan waa bisha muslimiinta dhexdiisa ay ku badan tahay sababaha raxmada iyo danbi dhaafka waajibiya iyo naarta oo laga xoreeyo, waa bishii xuska illaahay iyo ducada, illaahay waxa uu yidhi "Illaahay xusa in faro badan waa intaasow liibantaane” [aljomca-10] waxa illaahay yidhi "Kuwa illaahay in badan xusaya ee rag iyo dumar ba ah illaahay waxa u balan qaaday danbi dhaaf iyo ajar wayn”

Waxa ku jira bisha ramadaan habeen la yidhaa laylatu qadri habeenkaas oo illaahay ku tilmamay inuu ka khayr badan yahay 1000 bilood, culumadu waxay ku macneyeen camalka habeenka la sameeyo inuu ka khayr iyo fadli badan yahay 83 sanadood iyo 4 bilood, waxana kaaga filan fadligiisa iyo sharaftiisa qiimaha uu leeyahay camalkaa la qabto illaahay baana aanu waydiisanaynaa inuu na waafijiyo.

Nabigu scw waxa uu yidhi "Qofka kaca habeenka laylatu qadriga isagoo rumaysan illaahay wanaagana ka rajaynaya illaahay waxa uu dhaafa wixii hore danbi u galay” kaasi waa fadliga habeenkaa cibaadadiisa isagana kugu filan faa’iido iyo liiban.

Wax yaaba u khaaska ah bishan ramadaan waxa ka mid ah fadliga sadaqada ramadaanta la bixiyaa ay leedahay, tarmiidi waxa uu soo wariyay in Nabiga la waydiyay (CSW) sadaqada ta ugu fadliga badan waxana uu yidhi nabigu (CSW) "Sadaqada waxa ugu fadliga badan ta bisha ramadaan la bixiyo” Nabigu (CSW) waxa uu ahaa ka dadka ugu gacanta furan dhinaca wax bixiska welibana bisha ramadaan aad ayuu u gacan furnaa, marka uu la kulmo malaku jibriil ee u sheegayo quraanka, malaku jibriil bisha ramadaan Nabiga (CSW) habeen kasta wuu u iman jiray waxana uu u sheegi jiray quraanka, Nabigu (CSW) khayrka qabashadiisa aad ayuu ugu gacan furnaa, cidii wax waydiisatana wuu siin jiray, kordhinta wax bixintiisa (CSW) inta lagu jiro bisha ramadaan ka faa’iidaysiga wakhtiga iyo laba laabinta camalka isagoo Nabigu tilmaamaya waxana soo laga soo wariyay in uu yidhi "Ninka la yimaada camal uu illaahay ugu dhowanayo oo khayr leh sunaba ha ahaade wuxuu la mid yahay qof gutay faral intaa wixii ka soo hadhay qofka la yimaada faralna wuxuu la mid yahay qof gutay 70 faral” waayo isku darida soonka iyo sadaqadu waxay ku gaadhsiisa danbiga oo lagaa dhaafo iyo naarta oo lagaa fogeyo, Nabigu (CSW) waxa uu yidhi "Soonku waa gaashan kaas oo kaa ilaalinaya naarta” waxa kale oo u yidhi "Iska jira naarta jeex timir ahna ha ahaate”sadaqo la bax

hadaba akhriiste waxan intaa inoogu soo gabgaboy qoraalkii aan ka qorey faa.do da bisha ramdaan iyo qiima ha.ay leedey waxaan ilahay inooga baryaya inuu inaga aqbalo soonka.salada. iyo camal ka wacan ee aynu samyno Alle ha inga dhogo ku wa uu ilahay u dabi dhaafo ee maalinta qiyaame ku kulma janda

wixii talo bixina iigu soo hagaaji ciwaanda hoos ku qoran

face book samsam deggan

 samsam dagaan@gmail.com

W.Q samsam ismacil cabdi