MAN UNITED OO IIBINAYSA JUAN MATA SI AY U LASOO WAREEGTO SCHWEINSTEIGER

0
Monday May 26, 2014 - 11:04:26 in by Super Admin
  • Visits: 1295
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAN UNITED OO IIBINAYSA JUAN MATA SI AY U LASOO WAREEGTO SCHWEINSTEIGER

    Tababaraha cusub ee kooxda Man United Van Gaal ayaa diyaar u ah inuu iska iibiyo laacibka ugu qaalisan taariikhda kooxda Man United ee Juan Mata suuqa kala iibsiga ee xaggaaga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha cusub ee kooxda Man United Van Gaal ayaa diyaar u ah inuu iska iibiyo laacibka ugu qaalisan taariikhda kooxda Man United ee Juan Mata suuqa kala iibsiga ee xaggaaga.

Manchester Evening News iyo Metro ayaa shaaca ka qaaday in tababaraha cusub ee Man United uu diyaar u yahay inuu dhagaysto dalabyada u imaanaya laacib ka ree Spain si uu ugula soo wareego lacagaha uu ka helo iibkiisa laacibka qadka dhexe ee kooxda Bayern Munich Bastian Schweinsteiger.

 

Man United ayaa kula soo wareegtay Juan Mata bishii janaayo ee horaanta sanad kaan 37 milyan oo Ginni lakiin Van Gaal ayaa u arka inuu yahay laacib aan ku haboonayn ajandaha uu ka damacsan yahay inuu ku maamulo kooxda United xili ciyaareed ka soo socda.

 

Kooxda Barcelona ayaa si wayn u xiisanaysa Mata maadama laga yaabo inay iska fasaxaan Xavi iyo fabregas kooxda ayaana doonasa inay ku buuxiso booskaas laacib ka kooxda Man United Juan Mata





Afkashacabka.com / Sports