Goorma Ayey Manchester United Ku Dhawaaqi Doontaa Saxiixa Zlatan Ibrahimovic?

0
Saturday June 04, 2016 - 09:57:38 in by Burco Office
  • Visits: 935
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Goorma Ayey Manchester United Ku Dhawaaqi Doontaa Saxiixa Zlatan Ibrahimovic?

    Manchester United ayaa xaqiijin doonta saxiixa weeraryahanka xulka Sweden Zlatan Ibrahimovic iyadoo ka saxiixeysa heshiis hal sano ah. Sky Sports ayaa ku warantay in xidigaan reer Sweden uu noqon doono saxiixa ugu horeeya ee Jose Mourinho waxaana

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Manchester United ayaa xaqiijin doonta saxiixa weeraryahanka xulka Sweden Zlatan Ibrahimovic iyadoo ka saxiixeysa heshiis hal sano ah. Sky Sports ayaa ku warantay in xidigaan reer Sweden uu noqon doono saxiixa ugu horeeya ee Jose Mourinho waxaana lagu dhawaaqi doonaa maalmaha soo aadan, ka hor inta uusan bilaaban koobka qaramada qaaradda yurub (Euro 2016) kaas oo 10-ka June bilaaban doona.


Ibrahimovic ayaa lagu soo waramayaa inuu saxiixi doono heshiis hal sano ah oo uu lacago waali ah ku qaadan doono, Jamaahiirta United ayaana farxi doona ka hor koobka Euro 2016, madama la xaqiijin doono heshiiska Zlatan.

Weeraryahankaan qibradda leh ayaa isaga tagaya Paris Saint Germain marka ay soo dhamaato bishaan June madama uu heshiiskiisa dhacayo.

34-jirkaan heerka caalami ayaa aad loola xiriirinayay kooxo ka dhisan Premier League-ga, sidoo kalana wuxuu dalabyo ka helay dalka Shiinaha, balse ugu dambeyntii waxey sheekada kusoo biyo shubatay inuu isku soo dhiibo kooxda ka dhisan Old Trafford.



Xarunta War Qabadka Afkashacabka.com