Burco: Bandhigii Buuga Dhiigii Geesiga iyo Wacdarihii Naadiga Halkaraan +SAWIRO
Masuliyiinta Gobolka iyo Degmada Aqoonyahano iyo Dhalinyaro Tiro badan ayaa ka qaybgalay Madal lagu soo Bandhigayey Buug ka hadlayey
Taariikhdii Halgan ee Qaranka Somaliland loo so maray iyo Dhacdooyin xanuun badnaa oo dhacay wakhtigii ay Somaliland u dagaalamaysay dib ula soo noqoshadii madaxbanaanideeda, Buugaas oo magaciisa la yidhaa Dhiiggii Geesiga isla markaasna uu qoray Garyaqan Maxamud Ducale Saleban Tallaabo ayay soo Bandhigeen Bahdaa Naadiga HALKARAAN,
Mustafe Osman oo ku hadlay afka Naadiga ayaa Qoraaga ku so dhoweyey Gobolka ugana mahadceliyey Buugiisa Qiimaha Badan, isagoo Qoraaguna halkaas si waafiya ugu sharraxay Waxyaabaha ku duugan Buuga,
Xildhiban SIciid axmed rage, Jamaal Xinwaal iyo Badhasabkuxigenka Togdher Maxmed Diriye Xayd ayaa soo afmeeray xafladan Qoraagana ku bogaadiyey Juhdiga iyo Dedaalka uu geliyey buuggan soo nooleynaya taariikh adan oo ay dhalinyaradu sheeko keliya ku maqleen.