Soomka iyo caafimaadka: W/Q: Cabdirashiid Cabdi Xuseen Libaax

0
Wednesday June 08, 2016 - 09:11:58 in by salman abdi
  • Visits: 1067
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomka iyo caafimaadka: W/Q: Cabdirashiid Cabdi Xuseen Libaax

    Soomku waa cibaado qiimo badan oo Eebbe u jideeyay xikmado badan oo aan halkan lagu soo koobi Karin. Ximadahaa waxa ka mida kuwo cibaado, caafimaad, bulsheed, nafeed iyokuwo kale.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomku waa cibaado qiimo badan oo Eebbe u jideeyay xikmado badan oo aan halkan lagu soo koobi Karin. Ximadahaa waxa ka mida kuwo cibaado, caafimaad, bulsheed, nafeed iyokuwo kale.
Qormadani waxa ay ku saabsantahay wax ka mida xikmadaha caafimaad ee soomka ku jira. Haa, waa run oo waa cibaado loogu talo-galay daahirinta nafta, xoojinta ruuxda iyo cilaaqada Eebbe qofku la leeyahay. 
Xikmadaha caafimaad se waa kuwo aan la hilmaami Karin oo culimadu ay oggolyihiin. Aynu u kala qaadno dhinacyada caafimaad ee soomku wax ka taro, laba qaybood oo waaweyn. 

1. Caafimaadkajidhka( Physical Health) 
2. Caafimaadka nafsiga ah( Psychological health) Caafimaadka jidheed iyo soomka: 

Caafimaadka jidheed waxa looga jeedaa midka ku saabsan oo gada jidhka amaba la arki karo saammaynta jidheed ee ka dhalata kolka wax is kadhimaan, ha ahaado is bedel gudeed ama mid duleedba’e. Faa’iidooyinka caafimaadka jidheed ee soomka waxa ka mida; 
1. Burburinta duxda iyo baruurta kaydka ah( fat break down and obesity decrease) Aadanaha dunida ku uumman manta waxa dhib weyn ku haya cayilka ama buurnida(Obesity), oo loo tix-galiyayba, dhib-dhaliye( Risk factor)aad u xun kaasoo keena xanuuno halis ah oo ay ka mid yihiin, Macaanka(DiebeticMillutus), Dhiigkarka(Hypertention), xanuunnadawadnaha(Cardiovascular diseases), Faaligga(Stroke), Beer-subagga(Hypercholestrelemia), kansarradaqaar( Some cancers)iyo dhibaatooyin kale oo caafimaad.Hadaba, dadkamushkilddanbuurniduhaysatosoomkuwaxauusiiyaafaa’iidocaafimaadoo mug weyn; Waxa uu siyaadiyaa burburinta kaydka duxda; Marka koowaad Glucose-ta jidhku isticmaalo waa midda dhexmaraysa qul-qulka dhiigga( blood stream), haddii taasi dhamaato jidhku waxa uu isticmaalaa Glucos-ta ku kaydsan beerka iyo muruqyada( liver and muscle stored glucose), haddii taasi idlaatana jidhku waxa uu adeegsadaa duxda (Fat), haddii intaasiba la waayana waxa loo gudbaa isticmaalka borotiinnada kaydka ah, waa se xaaladda ay jirto macaluusha darani (Starvation), inta badan xaaladdan u danbaysa jidhku ma gaadho marka la soommanyahay oo waxa uu ku joogsadaa isticmaalka duxda.Isticmaalka duxdu (fat usage), waxa uu keenaa miisaanka oo is dhima(Weight loss), sidoo kalena waxa uu yareeyaa xaddiga subagga ah ee xididada dhiigga dhexmaraya, taasi oo ka hortagta in cudurradaas aan kor ku soo xusnay ay soo deg-degaan. o Xaddiga subagga dhiigga dhex maraya oo kordhaa waxa uu keeni karaa khataro caafimaad oo uu ka mid yahay beer subaggu (Hypercholestrolemia),kaas oo kayimaadda korodhka maaddada loo yaqaan”Low density Lipoprotein”ama "LDH”, hadaba soomku waxa uu yareeyaa is la maaddadan, sida lagu xusay cilmi baadhis caafimaad”Medical Study”sanadkii 1997-dii ay sameeyeen "Annals of nutrition Metabolism”, taas oo xustay in soomku duxda kayda ah ku sameeyo saddex wax ka bedel oo waaweyn; I. Wax uu yareeyaa maaddada "LDH” ilaa 8%, maaddadan waxa loo yaqaan caafimaadahaan "Duxdiixumayd”( Bad fat). II. Waxa uu yareeyaa maaddada kaydka duxda jidhka ee loo yaqaan" Triglyceride” ilaa 30%. III. Waxa uu kordhiyaa maaddada "High density Lipoprotein” ama "HDL”ilaa 14.5%, maaddadanoo loo yaqaan "duxdafiican”(Good fat). Sidaa darted yarayn ta iyo kordhin ta maadooyinkani waxa jidhka ay kadhawrtaa beer subagga (Hypercholestrelemia) iyoxanuunnada wadnaha. 2. Jidhku waxa uu qaataa jimicsi saa’ida (Adequate level of physical activity); Suubbanuhu(SCW), waxauuyidhi "Qofka istaaga (tukada taraawiixda iyo taha-jjudka), isaga oo rumaysan Alle na kaga ajar dalbaya waxa loo dhaafaa danbigiisii hore oo idil”. Kolka qofku afuro sida badan cunto dheeraada ayaa jidhka gasha, haddii cuntadaasi aan u jidhku gubin waxa ay keeni kartaa xanuuno uu ka mid yahay sonkorowga ama Macaanku. Si arrintaasi looga hortago tukashada taraawiixdu waxa ay leedahay faa’iidooyin caafimaad oo lagu dhimayo xaddiga cunto ee jidhka kujirta. Sidoo kale waxa ay wax u taraysaa dadka leh xanuunnada wadnaha, Dhiig-karka iyo kuwo kale.Sidaa darted dadka xanuunnadan leh waa in ay ku dedaalaan tukashada Taraawiixda iyo Tahajjud-ka, iyagaoo u niyaysanaya cibaadoAlle, oo aan ujeedkoodu ahayn oo kaliya Caafimaadraadin. 3. Waxa uu qof ku goynkaraa caadooyinka xun-xun ee jidhku qabatimay”Addiction problems”. Cabidda sigaarku waacaado liidata oo keenta haliso caafimaad oo tira badan oo aan halkan lagu soo koobi Karin, aan se laba tusaale uun keeno, waxa uu xanuun dadejiye(Risk factor) u yahay kansarka sida ka ku dhaca sanbabka(Lung Cancer), iyo boog -calooleedka(Peptic Ulcer)—taas oo sababi karta kansarka caloosha. Bishan Ramadaan,qofku waxa uu fursad u haystaa in uu gebi ahaanba joojiyo cabidda sigaarka iyo maan-dooriyayaasha kale sida Qaadka, Khamriga, Xashiishadda IWM. 4. Dejinta maskaxda; Xilliga qofku soomanyahay waxa jidhku uu soo daayaa maaddo maskaxda dejisa, firfircooni dheeraad ah nasiisa oo la dhaho "Indoorfiin(Endorphin)”, taasoo qabata shaqooyin ay ka mid yihiin I. Fir-fircoonisiintamaskaxda "Giving Alertness” II. Dajintadareenkamaskaxda” Mental wellbeing” Afartaa qodob hadii aan ka soo qaato faa’iidooyinka caafimaad ee jidheed ee soomka, aan u gudbo kuwa nafsiyadeed”Psychological health benefits” 

 Waa inoo qormada labaad Insha-Allah. 

W/Q: Cabdirashiid Cabdi Xuseen Libaax 
Eimal: Rashiid447@gmail.com 
Facebook: Cabdirashiid Libaax.