Khataro Aasan W/Q:- Maxamed C/laahi Ducaale "Cawke"

0
Wednesday June 08, 2016 - 12:39:41 in by salman abdi
  • Visits: 938
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khataro Aasan W/Q:- Maxamed C/laahi Ducaale "Cawke"

    Wax kaleba ha joogaane marnaba tan oo kale nabdiga kuma qaban "Si naba uma suurtowdo" ayaan isku qancin lahaa haddiiba aan si uun uga fekeri lahaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wax kaleba ha joogaane marnaba tan oo kale nabdiga kuma qaban "Si naba uma suurtowdo" ayaan isku qancin lahaa haddiiba aan si uun uga fekeri lahaa.

Baylahda, goldaloolooyinka iyo jahligu markasta waa xaadir bulshooyinka oo dhan way ka siman yihiin. Waxaase lagu kala tagsanyahay heerka ay marayaan, sida loogu baraarugsanyahay, qorshaha ka yaal si loo dhimo ama loo cidhibtiro ciddii awooddaa leh iyo masuuliyadda fulintooda.

Waxay ahayd madal loo agaasimay sidii caadadu ahayd, laysugu yimid sidii laysugu iman jiray waqtigii Ku habboonayd la bilaabay, la dhameeyeyna intaan aad loo daalin, la kuur kuursan ama mid mid aadyar aadyar loo bixin.

Ceebta dhacdey maaha dadka ka soo qayb galay, mana aha marti sharafta lagu marti qaaday, haka yaabin! mana aha goobta lagu qabtay madashan, mayee waxa uuba ahaa Hudheelka magaalada ugu mudan qolalkiisa shirarka mid ka mid ah, ee waxa dhacday ….. mana ahayn barbaarta wiilal iyo gabdho si heersare ah oo bilicsan u lebisnaa, xaasha! Intaas oo dhammi waa wanaagga iyo sharafta aan kala kulmay.

Balse naxdinta goorta aan dareemay waxay ahayd, kolkii mikirifoonka qof qof loogu soo dhoweeyey, ee mid kastaaba hadlay.

Dhammaantood waxay ka sinnaayeen baraarujin xikmadi ku dheehantahay ee ay usoo jeedinayeen ardayda qalinjebinaysay ee xafladdan lagu sharfayay. Waa Ardey dhamaysatay Xirfadda Baadhitaannada xanuunnada. Shaybaadhka ayay barteen.

"Lix dhaqan ayaa laydinka baahanyahay si aad aqoonyahanka berri u noqotaan; kow; waxa aad baranaysaan waa inaad garanaysaa waxa ay yihiin. Laba; maskaxda ku kaydisaan. Saddex; dabiqi kartaan (application). Afar; lafa-guri kartaan (analysis). Shan; cadayn kartaan (proof). Iyo ka lixaad oo ah inaad hal-abuuri kartaan (creativity)” guddoomiye jaamacad kuwa magaalada ka mid ah.

Iikaadi, warka aan kuu hayaa waa kan.

Nin dhallinyaro ah oo ku hadlayay afka ururka ay Shaybaadhadu ku midoobeen ayaa goobtii laga hadlayay loo baneeyay, waa markaas marka uu debedda usoo saarey khatar aasan iyo ceeb huursanayd, waa markaas marka uu dareenkaygu isbedelayaa, naxdin, cadho ama u qaadanwaa mid ay tahayba, waa markaas marka aan qalinka u qaatay inaan gilgilo inta aan weli dareenkoodu ka warqabin xanuunkaa.

Wuxuu yidhi "Ururkayagu shir uu maalin dhoweyd ka qaybgalay ee dhakhaatiirta gobolada oo dhammi fadhiyeen ayaa su’aal lays waydiiyey ahayd HORTA WELI CID INNAGA BAADHAY TALAALKA DABAYSHA INTAAN CARUURTEENNA LA SIIN MA JIRTAA?” isagoo jawaabta goobta ka dhacday inoo sheegaya ayuu yidhi "Qof naga mid ah, dhakhaatiirtana ku dar, oo sheega cid baadhay ama maqleyba in lays weydiiyeyoo waa la waayay!” Naxdin weynaa.

Daqiiqaddii xigtay waan maqnaa, walow aan kursigaygii weli ka kicin, waxba dhegahaygu ma maqli karayn, si kasta oo cod laliyuhu u dalacnaa, waxaan ahaa maqane jooga. Sheekooyinkii ka danbeeyey oo dhan lama socon. Waxaa madaxayga yar iyo garaadkayga dhow ku kulmay oo isku garbiyay aadna isugu cidhiidhyey weydiimo ku gaashaaman cadho, werwer iyo walaac.

Waxaa la gaadhay gebogebadii xafladda, hadda waxaa la dhaarinayaa ardeydii oo dhammaantood wacad ku maraya inay dadkooda iyo dalkooda daacad u noqonayaan, aqoonta ay barteenna uga faa’iidayn doonaan. Kolkan cadhadu way iga yaraatay, garaacii wadnaha ee dareenkaygii kacsanaa la kacayna hoos buu qunyar qunyar ugu dhacay, murugadii lasoo dhaafay iyo werwerka aan timaadada caruurteenna iyo bulshadeenna ka qabay baa u eeg in xal furdaamiyaa u soo dhowaaday. Rejadaydu waa dufcaddan dadka u dhaaratay, kuwii hore u dhaartay iyo kuwa sanadaha soo socda dhaaran doona ayaan aaaminsanahay inay SU’AASHII DHAKHAATIIRTEENNU HORE ISU WEYDIIN WAAYEEN JUDHA HOREBA FOOLKA SAARI DOONAAN, WELIBA JAWAABTA HALKEEDA UGU TEGI DOONAAN.

Waxaa xigay in mid mid loo guddoonsiiyey caddaymihii (shahaadooyinkii) qirayay inay wax baadhi karaan, jawaabo heli karaan, wixii xumaaday sixi karaan iyo in wax soo socdana ka hortegi karaan.

Naxdintu way iga yaraatay ee igama dhammaan maadaama aan weli isweydiinayo;

"Tolow imisa caruur ah baa u waxyeeloobay talaal la siiyey, tiiyoo kan waxsiinaya iyo kan ilmihiisa la siinayaa midna ka warqabin?”

"Tolow goorma ayay waxyeeladiisu soo ifbixi doontaa (haddii aanay weli soo ifbixin)?”

"Tolow imisa khatarood oo kale ee aan la dhaadanayn baa jira?”

"Tolow IMISA KHATAROOD BAA AASAN?”




W/Q: Maxamed C/laahi Ducaale "Cawke”

Ducaale9@gmail.com

Burco, Somaliland