Kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ayaa wada qorshe ay heshiisyo cusub kaga saxiixanayaan labada xidig ee
aduunka ugu qaalisan ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo. Messi iyo Ronlado ayaa lala xidhiidhinayay kooxaha Manchester United iyo PSG, laakiin sida ay ku waramayaan saxaafada Spain gaar ahaan AS iyo Sport oo ka soo kala baxa Madrid iyo Barcelona, labadan xidig ayaa saxiixi doona heshiisyo cusub.
Barcelona ayaa haddaba bilawday ka shaqaynta in ay Lionel Messi la fadhiisato oo ay ka saxiixato heshiis Camp Nou ku sii hayn doona ilaa marka uu 35 sano jir yahay. Sidoo kale Real Madrid ayaa doonaysa in kooxaha PSG iyo Manchester United ay ugu quus goyso heshiis cusub oo ay ka saxiixato Ronlado.
Ronaldo ayaa dhawaan sheegay in uu doonayo sidii uu waayihiisa ciyaareed ugu dhamaysan lahaa Santiago Bernabeu isla markaana uu sii ciyaari lahaa ilaa marka uu 40 snao jirka yahay. Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa muhiim wayn u leh kooxaha Barcelona iyo Real Madrid iyo sidoo kale horyaalka La Ligaha Spain oo ay sumcadiisa sare u qaadeen.
Labadan xidig ee rekoodh kasta soo jabiyay ayaa markale xifiltankooda ka sii wadi doona Santiago Bernabeu iyo Camp Nou, waxayna markale xili ciyaareedka danbe ay u loolami doonaan koobabka maxaliga ah iyo tartanka kooxaha Yurub ee Champions Leaque-ga. Warka in Messi iyo Ronaldo ay heshiisyo cusub saxiixi doonaan ayaa soo gabagabayn kara wararkii xanta suuqa ee xidigahan kooxo kale la xidhiidhinayay.
Labada xidig ayaa doonaya in ay sii joogaan Spain sidoo kale kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ayaa doonaya in ay xidigahan sii haystaan, taas oo wax sahlan ka dhigaysa in ay heshiisyo cusub saxiixaan. Waxaana la filayaa in heshiis kordhinta Messi iyo Ronaldo xagaagan la samayn doono. Messi iyo Ronaldo ayaa dhexdooda ku soo guulaystay 8 Ballon D’or iyo 7 koob oo Champions Leaque-ga ah.
Messi Iyo Ronaldo Oo Heshiisyo Cusub U Saxiixaya Kooxaha Barcelona Iyo Real Madrid.
Kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ayaa wada qorshe ay heshiisyo cusub kaga saxiixanayaan labada xidig ee