Cristiano Ronaldo ayaa loo magacaabay xiddiga ugu dhakhliga badan dunida sida lagu sheegay liiska Forbes

0
Thursday June 09, 2016 - 12:40:56 in by Burco Office
  • Visits: 1135
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cristiano Ronaldo ayaa loo magacaabay xiddiga ugu dhakhliga badan dunida sida lagu sheegay liiska Forbes

    Ronaldo ayaa shaqeystay 88 milyan doolar ilaa iyo 1dii bishii June, lacagtaasna waxaa 56 milyan doolar oo mushahar ah iyo 32 milyan doolar oo uu ka helay heshiisyada xayaysiin ee uu ku jiro.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ronaldo ayaa shaqeystay 88 milyan doolar ilaa iyo 1dii bishii June, lacagtaasna waxaa 56 milyan doolar oo mushahar ah iyo 32 milyan doolar oo uu ka helay heshiisyada xayaysiin ee uu ku jiro.

.

cristianoronaldo-cropped_zfd3eayabzgt1ng7efec0qgz5


Waa markii ugu horeysay tan iyo sannadii 2000 ee booska koowaad ee xiddiga isboortiga ee ugu dhakhliga badan uusan buuxinin feeryahan Floyd Mayweather ama xiddiga ciyaarta Golf-ka Tiger Woods kaasoo aan koob weyn ku guuleysanin muddo sideed sannadood ah.

Lacagta uu shaqeystay Ronaldo ayaa ka sareysa lacagta uu shaqeystay xiddiga ay xafiiltamaan ee kubada cagta Lionel Messi kaasoo shaqeystay 81.4 milyan doolar 12kii bilood ee ugu danbeysay, waxaa kaalinta seddexaad ku jira xiddiga kubada kolayga LeBron James kaasoo shaqeystay 12kii bilood ee ugu danbeysay adduun lacageed oo gaaraya 77.2 milyan doolar, waxaana uu ka soo kacay booska kaalinta lixaad oo uu ku jiray sannadkii hore.

LeBron James ayaa xayaysiin ku helay in ka badan inta ay xayaysiin ku shaqeystaan xiddigaha Real Madrid iyo Barcelona isagoo shaqeystay 54 milyan doolar laakiin mushaharkiisa sannadlaha oo 23.3 milyan doolar ah ayaa aad uga hooseeya mushaharka Ronaldo iyo Messi($53.4m).

Kubada Kolayga seddex ciyaaryahan ayay ku leedahay 10ka xiddig ee ugu dakhliga badan sannadkaan, waana in ka badan isboortiga kale, iyadoo Keving Durant ($56.2m) uu ku jiro kaalinta shanaad, halka Kobe Bryant ($50m) uu ku jiro kaalinta 10aad.

Xiddigaha kubada Tennis-ka Roger Federer ($67.8m) iyo Novak Djokovic ($55.8m) ayaa afaraad iyo lixaad ku kala jira.