Tartankii Ciyaaraha Yurub Oo Faransiiska Ka Furmay Iyo Maaradoona Oo Sifeeyay Ciyaaryahan Messi

0
Friday June 10, 2016 - 13:49:50 in by salman abdi
  • Visits: 910
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tartankii Ciyaaraha Yurub Oo Faransiiska Ka Furmay Iyo Maaradoona Oo Sifeeyay Ciyaaryahan Messi

    Tartanka ciyaaraha ee Euro 2016 ayaa caawa ka furmaya dalka Faransiiska, waxaana xulka dalkaasi uu ciyaarta furitaanka la yeelan doonaa dalka Romania, xilli aad loo adkeeyay ammaanka Faransiiska.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tartanka ciyaaraha ee Euro 2016 ayaa caawa ka furmaya dalka Faransiiska, waxaana xulka dalkaasi uu ciyaarta furitaanka la yeelan doonaa dalka Romania, xilli aad loo adkeeyay ammaanka Faransiiska.

In ka badan 90,000 oo isugu jira boolis, milateri iyo ilaalada gaarka ah, ayaa la geyn doonaa tobanka magaalo ee uu tartankan ka dhacayo, waxaana la filayaa in 7 milyan oo taageerayaal ah ay usoo daawasha tagaan.Dalka Faransiiska ayaa weli ku jira xaalad degdeg ah ka dib weerarradii bishii November ka dhacay caasimadda Paris oo ay ku dhinteen 130 qof.

Dowladaha Britain iyo Maraykanka ayaa ka digay in ay jirto khatar lagu beegsan karo ciyaarahaasi ka dhacaya Faransiiska.

Dhanka kale laacibkii hore ee dalka Argentine, Diego Maradona, ayaa la maqlay asaga oo xiddigii hore ee Brazil, Pele u sheegaya in Messi uu yahay ciyaaryahan wanaagsan, isla markaana dabci fiican, balse aan hogaamiye noqon karin.

 

Pele ayaa u muuqday mid Maradona la qaba fekerkaasi.

Labada xiddig ayaa ku kulmay caasimadda Paris, oo ay caawa ka furmayaan ciyaaraha Euro 2016.



 

Sources:BBC