Qorshee Naftaada Si Qaranku Qorsho u Yeesho!!! Qalinkii : Abdikhadar Hies Abdi
Akhristee Qormadan Yar Waxaynu Diraadda Dhamaanten Ku Wada Saari Doona Qorshahaaga iyo Qorshaha Qaranku sida Ay Isuugu Xidhan yihiin inagoo Iska taagi doona dhinacyo Dhawr ah.
Dalaalkan Casirga ah Ee Aynuu Horumarkooda Hiigsana Waxay Horumar La Taaban Karo Ka Saameeyen Dhinacyo Fara Badan Oo Qorsheyntu ugu horeyso, Dadyowga Dunidu Maanta Waxay Amiinsan Yihiin In Qorsheyntu Tahay Agaabka (Tool) Kaliya Ee Ay Horumarinta Qaramadooda u Adeegsadaan.
Hadaba Akhristee Marka Aynuu Ereyga Qorsheyn Isticmaaleyno Ogow Waxaynuu ula Jeedna " Dajinta Hindiso Horumarineedkaaga Ama Horumarineedka Qarankaaga”, Sida Awadeed Muwaadiin Waxaynu Ognahay Oo Isla Qirsanahay In Aynuu Leenahay Dhamaanten Himilooyin iyo Hiigsi Fog Oo Aynuu Ku Doooneyno Inta aynuu Noolnahay In Aynu Soo Xaqiijino, Sida Awadeed Su’aasha Is weydiinta Mudan Waxay Tahay Hadiiba aynuu Nahay Dadyow Hadaf Fog Ka leh Noolosha Ay Ku Nool Yihiin, Ma U Baahanahay In Aynuu Qorsheyno Hadafkeena Fog isla Markaana Dajiisano Takhdiidkii/Xeeladii Ama Wadaadi Aynuu Ku Gaadhii lahayn Guusheena Qofeed?
Hadii Jawaabtadu Tahay Haa. Sameyso Qorshe Cad Oo Naftaada Ku Hagi Kara Yoolkaaga Una Hagi Kara Dhanka Horumarka iyo Guushaada, Ogow Muwaadin Marka aad Tahay Ruux Hadaf Fog Leh Isla Markaana Qorsheystey Wadaadii uu ku Gaadhi Laha Hadafkiisa, Waxaad Tahay Ruux Qaranka Wax Weyn u Tarey Dhanka Horumarkiisa, Sababtoo ah Waxaad Si Yar oo Fuduud Ula Jaan Qaadi Kareysa Qorshaaha Guud Ee Qaranka Wayo Waxad Isuu Eegeysa Labada Qorshe Waa Qorshahaaga iyo Qorsha Qarankaage Dabadeed Waxa Suura Gal Noqon Kar In Aad Is Waafajisiid Labada Qorshe Sidaana Hurmarka Dalkaaga Kula Jaan Qaadid, Hadiise Anaad Qorshe Qofeed Lahayn, Waxad Haliis Weyn Ku tahay Horumarka Iyo Horusocodka Qarankaaga Wayo, Hindiisihi Kasta Ee La Keeno Ama Qorshiihi Kasta Ee Horumarineed Waxa Laga Yaaba in aad is hortaagtiid Adigoo u arkaaya in uu Dantaada aan Qorsheysneeyn Iyo Danta Deegankaaga ee sido kale aan Ayaduuna Qorsheysneyn Kasoo Horjeedo.
Si Kasta Ha Ahaate Muwaadin Marka Aynuu Dooneyno In Aynuu Helno Qaran Jihaysan Oo Leh Qorshe Cad Oo Muwaadiniintuu Qeyb Ka Yihiin, Maxaynu u baahanahay?
Waxaynuu u baahanahay In La Helo Amasee ay jiraan Qorshayaal Yar-yar oo ay leeyihiin Qeybaaha Kala Duwan Ee bulshadu sida ( Ururada Dhalinyarada, Ururada Saxaafada, ururda Haweenka,Hayada Dawlada, Hayada Maxaaliga, Hayaada Caalamiga, Ururda Culimaudiinka, Ururda Suugaanleyda, Ururda Qalinleyda, Ururda Bahda Caafmadka, Ururda Ardeyda Dugsiyda iyo Jamacadaha IWM) kuwaas oo ay Dhamaantood Qorshayaashoda dawladu ka war haysoo, Hadaba Akhriste Ka warqabka ay Dawladu Ka War Qabto Qorshe Yaasha yar-yar Ee Qeybaaha Kala Duwaan Ee Bulshadu Sameeystey Maxaay Ka Tari Karayaan Ama Ku Biirin Karayaan Qorsha Guud Ee Qaranka?
Waxay Tarayaan Wey Cadahay Waxaana ugu Horeeya In Marka Qorshaaha Guud Ee Qaran La dajiinayo Qeyb Laga Dhigo Qorsheyaashii ay lahayeen Qeybaaha Kala Duwan Ee Bulshadu, Sidaana Lagu Soo Saaro Qorsho Guud Oo Qaranku Leeyahay Oo Loo Dhanyahay Isla Markaana Damaanad Qaadaya Horumarka Dhamaan Qeybiihi Ka Soo Qeyb Qatey Iyo Qaranka Guud ahaanba, Sidaana Qaranku Ku Noqdo Qaran Dhinac Kaliya u wada Jeeda Wada Kaliya Oo Horumarineedna Haysta
Laakinse aan Noqon Sida Inta Badanba Qaramada Saboolka ku Dhacda Qaran Aan Ogeyn Amaseeba Aan Ka War Qabiin Qorsheyaasha Ururda Iyo Qeybaaha Bulshadiisu Leeyihin Halkaasna Aysan Ka Dhalaan Kala Socod Iyo Isfahaan Lahaan Bulshada iyo Dawlada u dhaxeeya Kaas Oo Aan La Isku Fahmeyn Horumarinta Qaranka.
Gaba-gabadii Muwaadin Si Qarankeenu u Noqdo Qaran Awood u Yeesha in uu Dajisto Qorshe Sax Ah Oo Dhamaan Horumarin Kara Muwadiininta Jamhuuryada Somaliland, Adigu u Sameyso Naftaada Qorshe Horumarinaaya Sido Kalena Ururkaaga Ama Ganacsigaaga U Samee Qorshe Horumarineed Dabadeed Ku War Gali Wasaaradda Ganacsigaga ama Hawlahaaga Ku Shaqadada Leh, Si wasaaraddasiina Ugu Gudbiso Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Oo Maasuliyada iyo Siyaasada Dajinta Qorsha Guud Ee Qaranku Dusha Ka Saaran Yahay, Dabadeed Sida Qorshaaha Guud Ee Qaranka Aad Qeyb Uga Noqotid.
Qarankeenuna uu u Noqdo Mid Hore u Socda Adigoo Qeyb Ka Ah.
Qalinkii : Abdikhadar Hies Abdi
E-mail: Cabdixiiis12@gmail.com
Qorshee Naftaada Si Qaranku Qorsho u Yeesho!!! Qalinkii : Abdikhadar Hies Abdi
Muwaadin Qorshaahaga Qofeed Wuxuu Horumariin Karaa Qorsha Guud Ee Qarankaaga.