Gaajada lagama gamo' Waxa Qoray Cumar Seerbiya.

0
Wednesday June 15, 2016 - 08:17:17 in by
  • Visits: 1434
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaajada lagama gamo' Waxa Qoray Cumar Seerbiya.

    Habeen ku jiray bishii May sannadka 2016 aniga iyo laba nin oo aanu saaxiibo nahay waxaanu ka mid ahayn dadkii ugu dambeeyey ee ka rawaxay suuqa Hargeysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Habeen ku jiray bishii May sannadka 2016 aniga iyo laba nin oo aanu saaxiibo nahay waxaanu ka mid ahayn dadkii ugu dambeeyey ee ka rawaxay suuqa Hargeysa

waxaanu saacado badan ku qaadanay meherad shaaha laga cabo oo xilligii aanu ka kacnay aanay cid kale fadhiyin.

Si aanu guryahayagii u kala aadno waxaanu kaxaysanay baabuur aanu wadanay.
Isla markiiba waxaanu jarnay xawaare , jidka oo baabuur teel-teel ah oo maraysay mooyaane banaanaa awgii.
Markii aanu ku dhawnahay midkaayo gurigiisii ayaa anigu waxaan saaxiibada weydiistay in la ii sii mariyo dukaan furan haddii la helo si aan caano uga iibsado.
meel aan fogayn waxaanu ku aragnay dukaan furan.
caanihii mar aanu lacagtooda bixinayno waxa baabuurka oo taagan uu iftiinkiisa hore qabtay wiil yar oo Go' huwan kabo dacas ahna xidhan oo xagayaga u soo socda.
Markiiba su'aal ayaanu keenay ah xagee u socdaa ilmahani waqtigan?
Hadana is nidhi sidaad dukaanka wax uga rabteen ayuu isna u soo doontay ? .
Markii uu nala siman yahay ayuu midkaayo weydiiyey xageed ka timi? Ku yeh gurigii .
Sii weydiinay meesha uu xilligan u socdo markii uu istaagay ee aan aragnay inaanu ujeedkiisu ahayn dukaanka.
Waxuu isaga oo go' yar oo cawlan oo uu huwanaa qaniinsan nagu yidhi" hooyo ayaa igu tidhi orod oo dadka waxii soo jeeda wax aynu cunno inoo soo weydii ". hada gara oo meeshu suuqa maaha ee waa xaafado dhexdood.
sii waraysanay waxa uu noo sheegay inuu u weynyahay 4 caruur ah oo hooyadii dhashay aabihiina ayna wada joogin hooyada isla markaana habeenimadaas casarkeedii ay hooyadu sidan si la mid ah ay quud ugu baadi doon tagtay balse ay faro madhnaan ku soo laabatay caawa markii ay arkeena inaanay baahi darteed la seexan karin ay hooyadu soo dirtay ayna sugayaan isaga .
markuu halkaasi marinayo ee aanu wali sii waraysanayno ayaa malahayaga waxuu is bar-bar dhigay baahida haysa iyo sidaanu u sii warasanayno ka dibna waxaabu ku dhaqaaqay baabuur kale oo dukaanka isa soo taagay sidii si la mid ah ayuu ugu waramay habeenkuna wuu sii fogaanayaa waxaanu markasta isaga oo madaxa foorarinaya uu sheekada ku darayaa in hooyadii iyo saddexdii caruurta ahaa ee ka yar-yaraa ay sugayaan.
nin watay baabuurka kale iyo anaguba iskugu darnay shilimaad aanu markaasi awoodaynay.
Inta uu dukaankii galay mahadnaq ka dib ayuu bac ku qaatay cunto uu lacagtii ku iibiyey waxaanu ka sii muuqday isaga oo talaabada hore u qaadaya halkii uu ka soo baxay markii horr 
Markaas ogaw gaajada lagama gamo'