FACEBOOK-ga Ayay Ku Jirraan! W/Q: Mohamed Hassan Daacad.

0
Friday June 17, 2016 - 15:23:13 in by salman abdi
  • Visits: 980
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FACEBOOK-ga Ayay Ku Jirraan! W/Q: Mohamed Hassan Daacad.

    Waa maalintii shannaad ee Bisha barakaysan ee RAMADAAN,taas oo guud ahaanba hab-nololeedka bulshadda ay wax weyni iska bedelaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa maalintii shannaad ee Bisha barakaysan ee RAMADAAN,taas oo guud ahaanba hab-nololeedka bulshadda ay wax weyni iska bedelaan.

Bishanni,waxay wax badan kaga duwan tahay guud ahaanba Billihii kale ee Eebbe igu simay in aan Soomo,waana Bil arrimmo door ah kaga geddisan bishii Hal sanno uun ka horaysay ee RAMADAAN,Taasina waa mid laga yaabbo in aan dad badan kala simanahay,

waxaana sababta ugu weyn ah Wakhtigga iyo xawaaraha uu ku socdo ee laga-yaabbo in aan si wanaagsan looggu baraarugsanayn.Waxa xaqiiqo ah in halkii Cimrigaygu hal sanno ka hor joogay aannu maanta joogin,qorshihii aan hal sanno ka hor ku hamiyay,maanta mid ka gedisan,ayaa Dubaaqayga ka guuxaya,dad badan oo Sannad ka hor ila joogay,ayaa hadda aan ila joogin oo qaarkood daartii rasmigga ahayd iyo aakhiro qabteen,kuwaasna waxa ugu badan dhalinyaro badan oo aannu asxaab isku dhaw ahayn sannad ka hor-na aannu wada Soomnay oo hadda iga hooseeya,sababo kala duwan-na u-geeriyooday (ILAAHAY dhamaantood haw-naxariisto).Bishan,ayaa waxay Muslimiinta u tahay Fursad qaali ah oo ay raali-ahaanshaha ILAAHAY ku raadiyaan,si uu Naxariistiisa Balaadhan ugu deeqo.

Maalintan,ayaa waxaan goostay in aannu wada-afurno asxaab aannu shaqo-wadaagnahay,kuwaas oo aannu ku ballanay in aannu iskugu nimaadno mid ka mid ah Hudheeladda Cuntadda ee Magaaladda Hargaysa oo annu u arkaynay inay tahay goob jawi-ahaan aad ugu fiican in aannu ku afurno,laguna majeerto cunto wanaagsan oo dhadhan fiican leh.Goobtan,waxa ku suggan dad badan oo dhamaantood ujeedka ay u-yimaadeen ahayd inay ka-afuraan,kana casheeyaan.Dadka goobta jooga ee ay indhaygu qabteenw qabteen waxay iskugu jiraan; Ganacsato,abwaanno,Xubno Laamaha dawladda ka tirsan,Culimo-u-diin magaaladda si weyn looga yaqaanno iyo dadweyne kale.

Inta badan goobta waxa ka jirta saxmad iyo sawaxan badan,taas oo ay keentay xiliggii afuradda oo kaabigga soo haya iyo dadweynaha oo mid kastaaba uu doonayo inuu Cuntiisa qaato.Qofkastaaba waxa uuu gacanta ku sitaa Warqad laga soo siiyay halka oo fadhiisto maqal-hayuhu,taas oo ay ku caddahay nooca cunto ee uu doonayo iyo waliba qiimaha Lacagta uu soo bixiyay. Is-jiidh-jiidh badan ayaa goobta hadheeyay,waxaanay dadka qaarkood ka-xanaaqayaan marka uu qof uu jiidho,iyadda oo dhinaca kalena dadka kale ee saami’miinta ahi ay usoo jeedinayaan inuu is-dajiyo,si aannu Soonkiisii uga jabbin.

Maamulka Hudheelka iyo shaqaaluhuba waxay si weyn ugu mashquul-sanyihiin inay dadka kala horraan oo sidii ay usoo kala horeeyeen loo siiyo waxa ay rabbaan,waxaana mararka qaar dhacaysa inay wax-isku-qasmaan oo muddo ah lays-haysto,ka dib marka qof la-siiyo wax aan ahayn cunaddii uu dalbaday,taas oo keenta khal-khal ku yimaadda hab-sammi-u-socodka adeegga. Mararka qaar waxa dhacaysay in laba waayo Weel dadka waxa looggu rido,ka dib marka ay kala bataan dadka iyo weelka uu Hudheelku ku shaqeeyo,waxaana la doonaa qaar kale oo kayd ahaan Hudheelka ugu yaalla.

Sidii jawigga Noocaas ah looggu jiray,ayaa Ninkii Hudheelka mulkiilaha ka-ahaa oo shaqsigga intaas oo qof oo dalabaad kala duwan raba kala hagaya,waxa uu markaliya halkii Gudaha ee Kusheenka ka waayay Inamaddii Weelka xalayay iyo qaar kale oo isla-halkaas ka shaqaynayay,waxaana uu cod-dheer ku yidhi; ‘ "Waar Inamaddii Mayee dee,xagee bay goortan qabteen?”.

Mid ka mid ah Kuugta Kusheenka ku jira oo ah ka inta badan Cuntadda soo Miisa,ayaa ugu hal-celiyay; " FACEBOOK-ga ayay ku jiraan’

Mar kaliya,ayaa dadka goobta joogay qosol u dhaceen,waxaana halkaas ka bilamay guux badan oo nuxurkiisu ahaa saamaynta taban ee Tinoolajiyadda casrigga ah ay ku yeelatay nolasha dhaqan-dhaqaale ee Bulshadda.

W/Q: Mohamed Hassan Daacad.