"Muusigu Ma Dhaqankeena"?. Qalinkii Dr.Sheekh Faysal Maxamed cali

0
Thursday June 23, 2016 - 07:44:46 in by salman abdi
  • Visits: 1207
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    "Muusigu Ma Dhaqankeena"?. Qalinkii Dr.Sheekh Faysal Maxamed cali

    Sida aynu wada ognahay waxaynu nahay ummad islaam ah , sidoo kalena waxaynu leenahay Dhaqamo iyo Caadooyin soo jireen ahaa ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida aynu wada ognahay waxaynu nahay ummad islaam ah , sidoo kalena waxaynu leenahay Dhaqamo iyo Caadooyin soo jireen ahaa ,

 Jiilbana uu Jiil ka dhaxlayay kuwaas wax sax ah iyo wax khaldanba lahaa , hadabaHabeen sii horeeyay ayaa la iigu yeedhay Xaflad lagu qabanayey meel la ii sheegay in ay tahay goob metelaysa dhaqanka soomaalida, waxyar ka dib ayaa waxaa Naloo sheegay in goor dhow la tumi doono music Hablona ay ka jaasi doonaan, degdeg ayaanu uga baxnay goobtaas aniga iyo culimo kale oo ila socotay.

0000000000000000000000000000000000000000000000000000000000000

Waxaan is weydiiyay Markaa : Musicgu goorma ayuu ka mid noqday Dhaqankeena ? waa Su’aal u baahan Jawaab Sax ah .

Dhaqankeena Waa Kuma ? :

Waxaa la og’yahay ummad waliba in ay leedahay dhaqan u gaara oo ay kala dhaxasho, dhaqankaas oo muujinaya abtirsiga iyo isir raaca laga garan karo ama lagu kala sooci karo bulshooyinka kuwada nool adduunkan.

Dhaqanku wuxuu muujiyaa akhlaaqda iyo Diinta ay haystaan ummaduhu.

Dhaqanka waxaa dejiya oo laga soo raraa aabayaasha iyo awoowayaasha laga isiran yahay.

Dhaqanku wuxuu geli karaa qaybaha nolasha oo dhan, sida: Diinta, Akhlaaqda, Xidhiidhada Bulshada iwm, wuxuu kale oo yeelan karaa Dhaqanku wax khaldan oo ka hor imanaya caqliga toosan iyo Diintaba.

Hadaba inaga Soomaali marka aynu nahay muxuu yahay dhaqankeenu?

Hadaynu milicsano dhaqankeena gaar ahaan ka miyiga ee qarnigii tegay iyo kii kasii horeeyay inta xogteeda lahayo waxaynu odhan karnaa wax fiican oo waafaqsan diinteena ayaa laga helayaa, wax badan oo ku khalad ahna way ka buuxaan, Hadaba wax dhaca in dhaqankeena lagu daro wax aan kujirin oo xadaarada reer galbeedka laga soo raray, sida Musiga; Soomaali suugaan iyo fan waxa loo yaqaanoba way lahaayeen hayeeshee kumaynaan maqal music iyo Dumar intay Ragga soo hor is taagaan is ruxa, Hablaha Soomaaliyeed waxaa aad ugu badnaa xishoodka iyo ilaalinta anshaxa Suuban iyadoo laga yaabo in aanay haysan Hu’ wanaagsan oo ku filan hadana Gabadha Soomaaliyeed waxay ahayd mid aad uga xishoota ragga ajaanibka ah, waxaana la tilmaamaa in Inanta Soomaaliyeed marka nin la sheekaysanayo iyadoo xoolaha la joogta in ay Geed dhinaca kale ka istaagi jirtay hadalka iyo sheekadana halkaa ka darandooriyi jirtay , waxaa la tilmaamaa in aanay Golayaasha raggu joogaan waxku cuni jirin Raamsigeeda iyo Cantuugadeedana aanu Raggu arki jirin , Maantana waxaa jira Hablo iyo Dumar badan oo xishood iyo Diin leh Cilmigii sharciga ahaa iyo Quraankana xifdisan.

laakiin haddaynu is barbardhigno Hablahaas aynu soo tilmaanay iyo Inanta Masraxa saaran ee Heesaysa waxaynu dareemaynaa in ay aad ukala Fogyihiin,

Waxaana aad loogu baahan yahay in lagu Dedaalo Xishoodka, Gaar ahaan Habluhu in ay Xishoodaan , bal waxaad u fiirsataan gabadha Muslimada ah ee soo istaagta Masrax iyadoo Heesaysa imisa Denbi oo illaahay agtiisa Xaaraanka ah ayay ku dhacaysaa : Marka Hore Waa heesaysaa Heestuna waa Xaaraan , Rag ajaanib ah ayay Ka hor Heesaysaa Taasina uma banaana , Way isa soo qaawinaysaa Jidhkeeduna waa cawro inay qaawisaan waa xaaraan , Way is ruxaysaa waa ficil xaaraan ah , waxaaba waxaa kasii daran kuwa daawanaya ee sidaa kaga raalida ah.

Ummada Muslimka ah Ee ay Soomaalidu ka mid tahay maxaa u dhaqan ah?

Qof kasta oo muslim ah waxaa korkiisa saaran oo looga baahan yahay in uu dhaqan kayeesho diinta islaamka rasuulka scw waxaa laga weriyey xadiis macnihiisu yahay : "waxaa la ii soodiray in aan dhamaystiro akhlaaqda wanaagsan ” Illayna waxa uu ku sifeeyay Rasuulkiisa csw in uu ku sifaysan yahay akhlaaq sare ”.

Hadaba waxaa ina saaran in aynu u bandhigno dhaqankeena sharciga alle, wixii waafaqana waynu qaadanaynaa , wixii ka horyimaadaana waynu tuuraynaa, sinaba suuragal uma aha qofka muslimka ah in uu is dhinac dhigo sharciga alle iyo dhaqan khilaafsan Diinteena .

Waxaynu wax kazoo qaadanaynaa Nusuusta Sharciga ah ee Tilmaamaysa Xukunka Muusiga iyo Heesaha : Ugu Horeyn Illaahay waxa uu Quraankiisa ku tilmaamay Suuradda Luqmaan Aayada 6aad:(Dadka waxaa kamid ah Mid iibsanaya Lahwiga si dadka uu ugaga lumiyo illaahay Jidkiisa ), Easuulkana waxaa laga weriyaya inuu yidhi :(Waxaa Ummadayda ka mid noqon doona Qolooyin xalaashan doona Sinada , Xariirta iyo Heesaha ) , Nusuustaasi waxay inoo caddaynaysaa Xukunka Heesha iyo Muusiga.

Guntii iyo gunaanadkii waxaynu Rumaysanahay oo inoo cad in Muusigu uuna ka mid ahayn Dhaqanka Soomaalida iyo Islaamka midna , islamarkaana uu yahay Quraanka Shaydaanka iyo Reer Galbeedka , loona baahan yahay in aynu ka fogaano , Ubadkeena iyo Dumarka aynu ka masuulka nahayna aynu ka waanino , Guryaheena iyo Moobiladeedana aynu ka nadiifino islamarkaana in aynu Gudano waajibaadka ina saran ee Sharciga ah.

Qalinkii Dr. Faysal Max’ed Cali