Dalka Britin Oo Maanta Ka Bilaabmatay Aftida Ku Salaysan In Dalkaasi Uu Ka Sii Mid Ahaado Midawga Yurub Iyo In Kale.

0
Thursday June 23, 2016 - 10:16:55 in by salman abdi
  • Visits: 555
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalka Britin Oo Maanta Ka Bilaabmatay Aftida Ku Salaysan In Dalkaasi Uu Ka Sii Mid Ahaado Midawga Yurub Iyo In Kale.

    -Britain waxaa maanta oo khamiis ah loo dareerayaa goobaha codbixinta afti taariikhi ah oo loo qaadayo in dalkaasi uu ka sii mid ahaado midowga Yurub iyo in kale.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

-Britain waxaa maanta oo khamiis ah loo dareerayaa goobaha codbixinta afti taariikhi ah oo loo qaadayo in dalkaasi uu ka sii mid ahaado midowga Yurub iyo in kale.



Goobaha codbixinta ayaa furmi doona laga billaabo tobanka saacadda Afrikada bari,

Qiyaastii 46,499,537 oo qof ayaa xaq u leh in ay codkooda ka dhiibtaan aftidan, waana tiradii ugu badnayd ee codbixiyeyaal ah oo abid ka qayb qaata doorasho dalkaasi ka dhacday.

Aftidan ayaa noqonaysa aftidii saddexaad ee soo marta taariikhda dalka Britain, waxa ayna ku soo beegmeysaa kaddib afar bilood oo uu socday olole lagu doonayay in dhinacyada iska soo horjeeda ay ku hantaan kalsoonida codbixiyeyaasha.

Dhinicii ku guuleysta in ka badan kala bar codadka la dhiibta ayaa ku guuleysan doono aftidan.

Natiijada aftida ayaa laga yaabaa in ay kala caddaato ka hor inta aan rasmiyan lagu dhawaaqin maalinta Jimcaha ah