Muqdisho:Wasiirka Maaliyada Somaliya Oo Dayactir Balaadhan Ku Sameeyey Xaruntii Wasaaradu Lahayd Ee Magaalada Muqdisho

0
Friday June 24, 2016 - 14:10:03 in by salman abdi
  • Visits: 983
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho:Wasiirka Maaliyada Somaliya Oo Dayactir Balaadhan Ku Sameeyey Xaruntii Wasaaradu Lahayd Ee Magaalada Muqdisho

    Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aaden Ibraahim Farkeeti ayaa ku guulaystay dib u dhisidii Wasaaradii hore ee Maaliyadda oo ku taalay xaafada Shangaani,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aaden Ibraahim Farkeeti ayaa ku guulaystay dib u dhisidii Wasaaradii hore ee Maaliyadda oo ku taalay xaafada Shangaani,


Dhismaha Wasaaradda Maaliyadda ayaa maraya heer gaba-gabo ah, waxaan la furayaa bartamaha bisha July. Wasaarada ayaa ka kooban 72 qol iyo dhowr holaal loogu tala galay shirarka.



Sidoo kale, Wasaarada Maaliyadda ayaa casriyeysay nidaamka lagu canshuuro Nootaayooyinka, ilaa iyo iminkana waxaa isticmaala nidaamkaan 53 Nootaayo oo ka howl gala magaalada Muqdisho. Nidaamka cusub ayaa u shaqeeya qaab online ah, waxaana arinkaan sababay kor u kac dhaqaale iyo ka hortaga musuqa maasuqa. Nootaayooyinka ayaa kala iibiya hantida ma guurtada ah iyo tan guurta, waxaana dhamaan lacaga wax lagu kala gato laga qaada canshuur.

 

Wasaarada ayaa dhanka kale ku guulaysatay hirgalin nidaamka maamulka maaliyadda dalka, kaas oo hada lagu baahiyey maamul goboleedyada, arinkaas oo kor u qaadaysa kalsoonida deeq bixiyayaasha caalamka, waxaa kale oo wasaaradu soo celisay wada shaqayntii ka dhaxaysay Hay’adaha Caalamiga sida IMF, World Bank iyo African Development Bank.