Musharrax Jamal Cali Xuseen oo Luuqad Diblumaasiyadeed ku Falanqeeyey Isbedelka Siysaadeed ee Yurub, Madaxweyne Siilaanyona U Soo Jeediyay Dardaaran.

0
Saturday June 25, 2016 - 08:00:28 in by salman abdi
  • Visits: 818
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharrax Jamal Cali Xuseen oo Luuqad Diblumaasiyadeed ku Falanqeeyey Isbedelka Siysaadeed ee Yurub, Madaxweyne Siilaanyona U Soo Jeediyay Dardaaran.

    Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen ayaa ka hadlay isbedelka Siyaasadeed ee dhalan roggay siyaasadda qaarada Yurub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen ayaa ka hadlay isbedelka Siyaasadeed ee dhalan roggay siyaasadda qaarada Yurub.

 Kaddib markii aftidii la qaaday ay kala huleelen dalal reer yurub. Taasoo sababtay inuu xilka ka deggo Raysal wasaarihii dalka Ingiriiska oo lagaga adkaaday aragtidiisi ama la qaadan waayey. Haddaba Musharrax Jamaal Cali Xuseen oo isbarbar dhig ku sameeyey hoggaamiyaasha aduunka horumaray iyo kan qaaradda Africa iyo weliba khaasatan Siyaasadda Somaliland fariin dar daaran ah oo u Madaxweyne Siilaanyo ugu diray siday ugu wacantahay tariikhdiisa inuu dhex u noqdo musharraxiinta asxaabta maadaama oo uu yahay Madaxweyne Qaranka oo aan tartamayn.

Sidaana wuxuu Mud. Jamaal Cali Xuseen ku sheegay qoraal uu baahiyay oo u dhignaa sidan:

0000000000000000000000000000000000000000000

"Ninka Hogaamiyaha Ah marka xataa taladiisa la qaadan waayo waakaasi sida sharafta leh xilka iskaga tirinaaya. Siyaasadu horta miyaanay ahayn tabaruc wakhti kooban Ummadda loo shaqeeynaayo. Siyaasadu maaha mixnad lagu shaqaysto OO guriyo laga dhisto. Maanta cashar weyn buu inooga tegay David Cameron in waxa dadku doonayaan in ay shaqeeynayaan, inagana Siyaasi fashilmay OO ummaadu indhaha ka qarsato ayaa xishood la’aan ina hor taagan, laakiin doonaya inuu qarda Jeex kursiga ku fuullo, OO yidhaahdo ciyaartoyga kooxaha kale masaabiir Ugu gura kabaha. Dhulgariirkan siyaasadeed Ee UK ka dhacay lama fileynin, siyaasadda gabigeeda ayaa lama filaan ahe, maadama Madaxweyne Siilaanyo aanu mar kale tartamaynin inkastuu xaq u lahaa laakiin siduu doorashada u qabto Ee ugu xaqsooro dadka tartamaaya ayuun baa isku fuuqsan doonta. Dadkeenu Indhaha iyo dhegahaba ha furaan oo mustaqbalkooda iyo ka caruurtoodaba ha ka taliyaan weydinkaa arkaaya waxa ka dhaacaya Ingiriiskiiye. Ilaahayoow dalka iyo dadkaba noo barakee”.



Jamaal Cali Xuseen