Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Shacbiga Ku Hanbalyeeyay Xuska Munaasibada 26-June.

0
Sunday June 26, 2016 - 09:24:43 in by salman abdi
  • Visits: 657
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Shacbiga Ku Hanbalyeeyay Xuska Munaasibada 26-June.

    Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ahna Murashaxa Xisbigaas ee Jagada Madaxweynaha ayaa hanbalyo u diray shacbiga Somaliland,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ahna Murashaxa Xisbigaas ee Jagada Madaxweynaha ayaa hanbalyo u diray shacbiga Somaliland,

xuska Munaasibadda 26-June oo ah maalintii Jamhuuriyadda Somaliland xorriyadeeda ka qaadatay maxmiyadii Ingiriiska. 

War-saxafadeed uu ku saxeexanyahay Afhayeenka Xisbiga KULMIYE Xasan Gaafaadhi ayaa u dhignaa sidan.

War-saxaafadeed

 

UJEEDDO: HAMBALYADA GUDDOOMIYAHA EE 26 June

Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, isaga oo ku hadlaya magaciisa, magaca hay’adaha xisbiga ee Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, Garabyada xisbiga, laamaha gudaha iyo dibadda iyo taageerayaasha xisbiga waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa shacabka Somaliland gudo iyo dibadba meel kasta oo ay joogaan munaasibadda 56 guurada ka soo wareegtay maalintii Somaliland xornimadeeda ka qaadatay boqortooyada Ingiriiska 26 June 1960.
Guddoomiyuhu waxa uu ku tilmaamay maalinta 26-ka June mid taariikhda Somaliland qiimo weyn ugu fadhida oo ku suntan markii u horreysay ee carro Soomaali degto xornimo ka hesho gumaystayaashii reer Yurub. Inkastoo farxaddii xornimada shacabka reer Somaliland heleen maalintaasi ay ku dhammaatay afar maalmood gudahood kadib markii jacaylkii ay u qabeen midnimo dhexmarta Shantii Soomaaliyeed darteed ay ula midoobeen Koonfurtii Soomaaliya ee Talyaanigu gumaysanayey, taasina ay dhalisay in loogu abaalgudo dhibaato, xasuuq, burbur, cadaadis, dil iyo dhac hantiyeed.
Haseyeeshee, dadaal, dhiig iyo hanti badan oo loo huray kadib waxa Jamhuuriyadda Somaliland mar kale dib ula soo noqotay xornimadeedii 18 May 1991, waxaanay Somaliland 25 sanno kadib joogtaa inay tahay qaran madaxbannaan, awood leh, hay’adihiisa dawladiga ah iyo shuruucdiisu u dhammaystiran tahay, isla markaana hirgeliyey hannaan dimuqraadi ah oo ay ku qabsatay ugu yaraan shan doorasho oo dadweynuhu codkooda si xalaal ah u soo xusheen madaxdooda. Sidaasi darteedna, Somaliland waa qaran madaxbannaan oo inuu hore u socdo mooyee aan marnaba weligeed dib ugu noqon doonin midow dambe.
Guddoomiyuhu waxa uu beesha caalamka ugu baaqayaa in ay qadariyaan xaqa iyo xuquuqda aayo-ka-tashi ee shacabka Somaliland oo ay u quudhaan guusha ay gaadhay keligeed, isla markaana si buuxda u ictiraafaan.
Ugu dambayntii, Guddoomiyuhu waxa uu u rajeeyey oo Ilaahay uga beryayaa Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo shacabkiisa gudo iyo dibadba inay sannadka, sannadkiisa ku gaadhaan guul, barwaaqo iyo horumar ballaadhan. Aamiin.



ALLAA MAHAD LEH.


Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi)
______________________________ ___
Af-hayeenka Xisbiga KULMIYE
Email: kulmiyemanager@gmail.com